Ugaas Yuusuf oo ku baaqay in laga soo qaybgalo bannaanbax lagu qabanayo Beledweyne

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ku baaqay in laga soo qaybgalo bannaanbax nabadeed, oo sida uu sheegay maalinta Axadda ah lagu qaban doono Magaalada Beledweyne.

Baaqan ayaa yimid, ka dib markii maanta hoyga Ugaaska ee magaaladaasi lagu soo geba-gabeeyay shirar siyaasadeed oo looga hadlayay mustaqbalka siyaasadeed ee bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa dadweynaha ugu yeeray inay u soo baxaan bannaanbaxan, si ay ugu muujiyaan midnimadooda iyo isku duubnidooda bulsho.

Waxa uu sheegay inuu isagu shakhsi ahaan dhex taagnaan doono shacabka, inta uu socdo bannaanbaxan oo uu sheegay inuu noqon doono mid nabadeed oo ballaaran.

"Ha loo diyaargaroobo maalinta Axadda, aniga ayaa dadka dhex taagan, bannaanbaxaasi gabar, wiil, culumo iyo qof kasta haka soo qaybgalo." Ayuu yiri Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo dadka kula hadlayay Beledweyne.

Ugaaska ayaa xusay "Maalintan imaanayay waxaan sheegay inaan jid dheer oo adag aan mari doono, jidkiiyaa weli lagu dhex jiraa. Waxaan rabaa inaad midnimo muujisaan, inaad towfiiq yeelataan oo aad is maqashaan, meesha loo socdo waa meel dheer, waana jid dheer. Waxaan taaganahay meel isgoys ah, meel aan ku kala harno ma joogno."

Ugaas Yuusuf ayaa hoggaaminaya kacdoon ay dadka reer Hiiraan kaga soo horjeedaan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Khilaafka siyaasadeed ee hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasadda Gobolka Hiiraan kala dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabelle ayaa gaaray meel adag.