Dowladda Federaalka oo qorsheynaysa in Xerada Ballidoogle ku wareejiso Turkiga

Dowladda Federaalka ayaa qorsheynaysa inay Xerada Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose ku wareejiso Turkiga, iyadoo go'aankan uu daba socdo Mareykanka oo la sheegay in ciidamadiisa iyo qalabkuba uu toddobaad ka hor ka daadgureeyay xeradaaasi muhiimka ah.
Wararka ayaa sheegaya in Militariga Turkiga la filayo inay la wareegaan oo ay deggaan xeradaasi, si Ankara ay u casriyeyso xeradan oo ku taala duleedka Degmada Wanlaweyn.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada dowladood ay mudnaan siinayaan in xerada laga hirgeliyo xarun laga hago hawlgalada hawada ee lagu taageerayo ciidamada dhulka ee hawlgalada ku jira.
Turkiga oo ah xulafo istiraatiiji ah oo Somaliya ay leedahay ayaa Villa Somalia ka taageeraya in xerada laga dhigo xarun casri ah, oo fududeysa gurmadka cirka iyo duqaymaha lagu wiiqayo maleeshiyada Al Shabaab.
Labada dowladood ayaa la sheegay inay arrintan si dhow uga wada hadleen Arbacadii, mar Taliyaha Taliska Istiraatiijiyadeed ee Wadajirka Caalamiga ah ee Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga, General Sebahattin KILINÇ uu booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa General Sebahattin KILINÇ oo uu wehliyo Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM ee duleedka Muqdisho, General Sebahattin Kalkan ku qaabilay xarunta wasaaradda.
Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa laga soo xigtay in ka bixitaanka Saldhigga Ballidoogle uusan la xiriirin daciifnimo dhanka amniga ah, balse ay sababtu tahay qaaliga dayactirka garoonka diyaaradaha ee saldhiggaasi oo aad u xumaaday.
Inta badan ciidamada iyo qalabka laga daadgureeyay Ballidoogle ayaa la sheegay in loo wareejiyay Muqdisho, halka qaar kalena loo kala qaybiyay xarumo kale oo Militariga Mareykanka ay ku leeyihiin gudaha dalka.
Ballidoogle ayaa waxaa ku haray tiro kooban oo Saraakiil ah, kuwaas oo sida la sheegay u jooga, sidii ay u sii wadi lahaayeen tababarka Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka.
Dowladda Mareykanka ayaa bishii October ee sanadkii 2013 bilowday tababarka iyo dhismaha Ciidanka Danab, oo tan iyo xilligaasi ay si gaar ah ugu tababareysay Ballidoogle.
Mareykanka ayaa sidoo kale Ballidoogle u adeegsanayay goob uu ka fuliyo duqaymaha xagga cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, inkastoo muddooyinkii u dambeeyay uu dhimay amaba hakiyay hawlgaladii uu Dowladda Federaalka kaga taageerayay in laga hortago khatarta amni ee Al Shabaab.
Ballidoogle oo magaca laga bedelay 8-dii bishii February ee sanadkii 2023 ayuu Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ugu magac-daray Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure). Sarkaalkan oo ahaa Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa 20-kii bishii January ee sanadkaasi ku geeriyooday weerar qaraxyo ku bilowday oo Shabaabku ka gaysteen Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Si kastaba ha-ahaatee xeradan ayaa waxaa hadda amnigeeda gacanta ku haya Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM, mana cadda goorta uu Turkigu si rasmi ah u degi doono.


