Cali Jeyte oo gaaray Magaalada Beledweyne, iyadoo ay dhaqdhaqaaqyo ka jiraan
Siyaasiga Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, xilli ay ka socdaan shirar looga hadlayo mustaqbalka siyaasadeed ee dadka gobolkaasi
Socdaalka Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay magaalada ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo mid ciidan oo lagaga soo horjeedo Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa safarka ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Batroolka & Macdanta Somaliya, Daahir Shire Maxamed, isagoona sheegay in safarkooda uu la xiriiro wadatashi.
"Adduunyada masaaliixaa la ilaashadaa soo maaha, masaaliixda dadkan aan ka tirsanahay ayaan idiinkugu nimid. Qof gaar ah iyo ujeedda gaar ah oo aan wadnaa ma jirto ee talo ayaan u nimid." Ayuu yiri Cali Jeyte oo la hadlayay dad ku soo dhaweeyay magaalada.
Cali Jeyte ayaa carabka ku adkeeyay inuu ujeedkoodu la xiriiro oo qura danta dadka deegaanka, dhismaha iyo go'aanada reerkana ay leeyihiin dhammaan qaybaha bulshada, haddii ay noqoto wiilasha, gabdhaha, odayaasha, ugaaska iyo siyaasiyiinta.
"Wax masaaliixda ummaddan aan ahayn oo wadnaa ma jirto, ayagana gabdhahaa wax ku leh, wiilashaa wax ku leh, odaygaa wax ku leh, ugaaskaa wax ku leh oo siyaasigaa wax ku leh. Sidaas ayaan u nimid." Ayuu yiri Jeyte.
Jeyte ayaa iska fogeeyay wararka isaga lagu durayo ee lagu daabacay baraha bulshada, wuxuuna ku celiyay inuu u taagan yahay masaaliixda reer Hiiraan oo keliya.





