Socdaalka Cali Jeyte ee Beledweyne oo yimid, xilli militariga uu culeys ka haysto Gobolka Hiiraan

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, xilligan oo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu culeys weyn ka soo fuulay bariga Gobolka Hiiraan.
Culeyskan ayaa ka dhashay Ciidanka Xoogga Dalka oo ka baxaya difaacyadooda qaar ee bariga gobolkaasi, iyaga oo ka jawaabaya baaqa Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, kaas oo goor dambe oo habeen ah, Sabtina soo geleysay ciidamada u dhashay Beesha Xawaadle ee ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida faray inay isugu yimaadaan Beledweyne, si looga hortago duulaan uu sheegay in ciidan qabiil, laakiin wata magac dowladeed ay ku soo yihiin Gobolka Hiiraan.
Ciidamada ayaa isla Sabtidii bilaabay inay soo banneeyaan furimaha hore ee gobolkaasi, inkastoo Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cali Axmed Xaashi (Cagey) uu meesha ka saaray in ciidamo militari ah oo meel ka baxsan xuduudaha gobolkaasi ka imaanaya ay duulaan ku soo yihiin gobolka.
Goobaha ay ka soo baxeen ciidamada ayaa culeys weyn ku noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud oo la daalaa dhacaya, sidii loo dabooli lahaa baahida ciidan ee ka jirta gobolkaasi.
Warbaahinta ayaa fahamsan in xaaladda amniga iyo dhaqdhaqaqyada ciidamada ee gobolkan ay marayaan marxalad xasaasi ah, isla-markaana soo bixitaanka ciidamada iyo is bedelka dhanka fariisimaha ay culeys aan caadi ahayn ku keeneen qorsheyaaasha Taliska Militariga.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya inay jirto baahi weyn oo loo qabo in la buuxiyo meelaha ay ciidamada ka soo baxeen ama in la xoojiyo ciidamada ku harsan jiidaha dagaalka, si looga gaashaanto in kooxaha argagixisada ay ka faa'iideystaan daldalooladaasi amni.
Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ay Cali Jeyte kula kulmeen Aqalka Villa Somalia, ka hor inta aanu maanta gaarin Beledweyne, isla-markaana ay kala hadleen in Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo siyaasiyiinta kale ee ku sugan magaaladaasi uu ka dhaadhiciyo in ciidamada lagu celiyo fariisimahooda, si uusan u dhicin firaaq amni.
Jeyte ayaa loo arkaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu saamaynta badan, looguna jecelyahay gobolka, taasi oo ka dhigeysa in dadka deegaanka ay aad u qaddariyaan, una dhageystaan talooyinkiisa iyo go'aamadiisa.
Ka dib markii Jeyte uu gaaray Beledweyne ayaa waxa uu sheegay in wafdigiisa ay magaalada u yimaadeen wadatashi, isla-markaana aysan wadin wax ka baxsan danaha dadka reer Hiiraan.
Jeyte oo dadka ay ku xusuustaan doorkiisii hoggaamineed ee dagaaladii ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay maleeshiyada Al Shabaab kula galeen gobolkaasi ayaa in muddo ahba ku sugnaa Caasimadda Muqdisho.
Jeyte ayaa 29-kii bishii October ee sanadkii 2023 loo magacaabay U Qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley, balse doorkiisa hoggaamineed ee ciidamada ayaa la xaddiday labadii sano ee la soo dhaafay, taasi oo ay ugu wacan tahay Dowladda Federaalka oo ka mashquushay la dagaalankii maleeshiyadaasi, una jeedsatay wax ka bedelka & dhameystirka Dastuurka KMG iyo arrimaha doorashooyinka.
Socdaalkiisa Beledweyne ayaa imanaya, xilli ay magaalada ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo ciidan oo lagu diidan yahay Hirshabelle.
Socdaalkiisan ayaa muhiim u ah Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, si ciidamada looga fogeeyo ku milanka siyaasadda, si gaar ah khilaafka reer Hiiraan kala dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo isku garab ah.


