Laba ciidan oo ku dagaalamaya Degmada Dayniile

Wararka ka imanaya Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in uu dagaal ku dhex marayo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo maleeshiyo dadka deegaanka ah, isla-markaana garabsanaya ciidamo ka tirsan kuwa Militariga Somaliya.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu ka socdo xaafadda Warlaliska, halkaas oo saakay ay Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Haramcad iyo Polizia Militare ka bilaabeen hawlgal lagu burburinayo guryaha dadka shacabka.
Maleeshiyada dadka deegaanka oo isku uruursaday xaafadaha Degmada Dayniile ayaa galabta weerar ku qaaday ciidamada fulinaya hawlgalka lagu barakicinayo shacabka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ee la safan dadka deegaanka ay ka hortaggayaan in xaafadda laga raro qoysas halkaasi u degan.
Ciidamada ammaanka ayay wararku sheegayaan in ay hakiyeen hawlgalka lagu burburinayo guryaha dadka deegaanka, ka dib markii uu halkaasi ka bilowday iska horimaadka hubeysan oo weli socda.
Ciidamada ammaanka ayaa waxay u muuqdaan kuwo la kulmaya weerar xooggan, iska horimaadkuna aad mooddo inuu sii xoogeysanayo.
Dhinacyada ayaa sidaan oo kale bishii May ugu dagaalamay Warlaliska Dayniile, inkastoo xaaladda ay maalmo ka dib ku soo laabatay mid caadi ah, ka gadaal markii Maamulka Gobolka Banaadir uu joojiyay hawlgalkii burburinta.
Hawlgalada lagu burburinayo guryaha shacabka ee Muqdisho ayaa magaalada ka abuuray xiisad, iska horimaadyo iyo cabasho xoog leh oo ka timid dadweynaha.


