Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Magaalada Jowhar
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar, si uu uga qaybgalo munaasabadda caleemo-saarka ee Hoggaamiyaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Hoggaamiyaha Hirshabelle ayaa Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hoggaaminayo.
"Hoggaamiyaha Hirshabelle ayaa Gudoomiyaha uga mahadceliyay soo gaaristiisa Magaalada Jowhar, si uu uga qaybgalo munaasabaddan muhiimka ah." Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Hirshabelle.
Madaxda Maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Waqooyi Bari ayaa goor sii horreysay oo maanta ah gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Waxaa ka sii horreyay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo Sabtidii gaaray magaaladaasi.
Cali Guudlaawe oo 24-kii bishii October dib loogu doortay madaxtinimada Hirshabelle ayaa lagu wadaa in Axaddan lagu caleemo-saaro Jowhar.












