Xildhibaano gaaray Beledweyne iyo shirar siyaasadeed oo ka socda magaalada

Iyadoo Magaalada Beledweyne ay horey u joogeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee laga soo doorto Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta magaaladaasi gaaray Xildhibaano kale.

Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac Maxamed, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid ayaa ka mid ah Xildhibaanada maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha Ugaaas Khaliif ee magaaladaasi.

Magaalada ayaa waxaa ka bilowday shirar siyaasadeed oo daba socda xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Beledweyne ayaa muddooyinkii dambe xudun u ahayd kacdoonka lagaga soo horjeedo Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee ka dhashay diidmada dadka deegaanka ee doorashada Hirshabelle.

Wararka ayaa sheegaya in shirarka ka socda Beledweyne looga hadlayo masiirka dadka reer Hiiraan, xilli odayaasha iyo siyaasiyiinta deegaanka oo Xildhibaano ka mid yihiin ay si weyn uga soo horjeedaan in la jebiyo heshiiskii siyaasadeed ee ilaalinayay in xilka hoggaanka sare ee Hirshabelle uu si meerto ah ugu kala wareego labada gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Xasilloonidii siyaasadeed ee Hirshabelle ayaa wiiqantay, ka dib markii Urur Siyaasadeedka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo uu bishii September Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) u xushay inuu noqdo musharaxooda ku metelaya doorashada madaxtinimada Hirshabelle ee 24-kii bishii October ka dhacday Magaalada Jowhar, dibna Cali Guudlaawe loogu soo doortay xilka.

Odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan qaarkood ayaa si weyn uga biyo diidan in Cali Guudlaawe uu shan sano oo kale uu hoggaamiyo Hirshabelle, isla-markaana ay dib-u-doorashadiisa xadgudub ku tahay heshiiskii dhawrayay in dadka labada gobol ay dareemaan in maamulka ay wada leeyihiin.

Shirarka ka socda Magaalada Beledweyne ayay wararku sheegayaan in lagu go'aaminayo jihada uu aadayo gobolka.

Dhinacyada shirarka ku leh magaalada ayaa horey u ballanqaaday inay Beledweyne ku dhisayaan maamul ay leeyihiin dadka deegaanka, isla-markaana ka madaxbannaan kan Jowhar.