Ciidamada Dowladda oo dad ku dilay, kuwo kalena ku dhaawacay Degmada Dayniile

Xaafadda Warlaliska ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxay saaka Ciidamada Dowladda Federaalka ka bilaabeen hawlgal burburin ah, lagun barakicinayo dadka deegaanka.

Ciidamada ayaa la sheegay in goor dambe oo xalay ahayd ay gudaha u galeen xaafaddaasi, iyagoo wata gaadiidka dagaalka iyo kuwa cagafta ee muddooyinkii u dambeeyay ay u adeegsanayeen burburinta guryaha la degan yahay.

Xaafaddan ayaa waxay dadka deegaanka ka sameeyeen bannaanbax ay uga soo horjeedaan burburinta lagu sameynayo guryahooda, taas oo keentay inay isku dhacaan ciidamada.

Ciidamada ayaa la arkayay iyaga oo rasaasta nool nool u adeegsanaya dadweyne u badan dhallinyaro iyo haween, kana soo horjeeda duminta guryahooda.

Waddada laamiga ee Degmada Dayniile ayaa waxaa la keenay meydadka iyo dhaawacyada dad ay haleeshay rasaastii ay furayeen ciidamada, halkaas oo looga sii qaaday isbitaalada ku yaala Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in laamaha amniga ay ciidamo dheeraad ah keeneen xaafadda, si loo sii wado hawlgalka burburinta.

Qaar ka mid ah dadkii deganaa xaafadda ayaa lagu khasbay in ay ka barakacaan guryahooda, kuwaas oo gaadiid ay soo kireysteen ku qaatay alaabahooda.

Xaaladda xaafadda Warlaliska ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana qaybo ka mid ah Dayniile ka jira gadood lagu diidan yahay, waxa ay dadka deegaanka ku sheegeen dhul boobka.

Raysal Wasaarihii hore ee Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyay waxyeelada dadka rayidka ah ka soo gaartay shaqaaqada ka dhacday Dayniile.

"Waxaa ayaan darro ah in Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu u xuubsiibtay burcad dhiigyacab ah oo u oomman daadinta dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed, amarna ku bixiyay in la laayo shacab dibadbax nabdoon uga dhiidhinayay dhul boobka, burburinta iyo barakicinta sharci darrada ah ee Xasan Sheekh ka wado xaafadaha Degmada Deyniile." Ayuu yiri Xasan Cali Khayre oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa baraha bulshada.

Khayre ayaa ciidamada ugu baaqay "Saraakiisha iyo askarta loo adeegsanayo dilka shacabka iyo burburinta guryahooda, waxaan mar kale ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan tacaddiyada ay kula kacayaan dadkii ay u dhaarteen in ay difaacaan, ayna dhawraan nolosha, karaamada iyo xuquuqda shacabka. Sidoo kale, waxaan Saraakiisha Ciidanka xusuusinayaa in ay imaan doonto maalin uu sharcigu sarreeyo oo lala xisaabtamo dembiileyaashii daadiday dhiigga dadkooda."

Ololaha cagafta oo in muddo ah ka socday Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood ayaa lagu barakiciyay boqolaal kun oo qof oo dadka reer Muqdisho ah.

Ururada Bulshada Rayidka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa marar badan Dowladda Federaalka ugu baaqay inaysan ogolaan in awoodda dowladda loo adeegsado boobka hantida shacabka amaba in lagu dulmiyo dadka aan is difaaci karin.