Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo la kulmay Gudooiyihii Gobolka Hiiraan ee is casilay

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa xalay hoygiisa Magaalada Beledweyne ku qaabilay Muuse Salaad Wehliye wax yar uun ka dib, markii uu iska casilay xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, iyadoona Ugaasku uu bogaadiyay go'aanka uu qaatay Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa is casilaaddiisa u sababeeyay inaanay madaxda sare isku aragti ka ahayn habka loo wajahayo xallinta tabashooyinka ay qabaan dadka reer Hiiraan, sida uu yiri.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo si diiran hoygiisa ugu soo dhaweeyay Muuse Salaad ayaa ku bogaadiyay tallaabada uu xilka isaga casilay, isagoona u duceeyay.

"Waxaan farriin u dirayaa dadka u dhashay beeshaan ama magaalada ha joogaan ama ha maqnaadaan oo Hirshabelle ku jira inay dadkooda u tanaasulaan, u sabraan, ka warqabaan, ayna soo garab istaagaan." Ayuu yiri Ugaaska oo ka hadlayay kulankaasi.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa Magaalada Beledweyne ka wada shirar la sheegay in go'aamo looga gaarayo masiirka bulshada ku dhaqan gobolkaasi.

Ugaas Yuusuf ayaa hoggaaminaya kacdoonka siyaasadeed iyo midka ciidan ee lagaga soo horjeedo Hirshabelle ee ka jira Beledweyne.

Aayaha siyaasadeed iyo bulsho ee Gobolka Hiiraan ayaa qayb ahaan gacanta ugu jira Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, marka loo eego saamaynta weyn ee uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda.