Sanbaloolshe oo baaq u diray siyaasiyiinta reer Hiiraan ee xilalka ka haya Hirshabelle

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ugu baaqay masuuliyiinta u dhashay Gobolka Hiiraan ee xilalka ka haya Dowlad Goboleedka Hirshabelle inay iska casilaan xilalkooda.
Mudanaha ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay in halganka ay ku jiraan uu guuleysan doono, isla-markaana Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu rukunkiisu yahay mid adag oo meelna aan uga socon mowqifkiisa, iyaguna ay garabkiisa taagan yihiin.
Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa sheegay inaanan la ogolaan doonin in siyaasi reer Hiiraan ah uu xil ka sii hayo Hirshabelle, isagoo tixraacaya go'aanka uu isku casilay Gudoomyihii Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye.
"Qof aan ka yeelayno ma jirto, Muuse ayaa la soo baxshay, annaa meel joogaaya qof aan ka yeelayno ma jirto, haddii uu Ilaahay yiraahdo." Ayuu yiri Sanbaloolshe oo hadalkan ka sheegay kulan soo dhawayn ah oo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan uu xalay hoygiisa ugu sameeyay Muuse Salaad.
Baaqa Sanbaloolshe ayaa qayb ka ah kacdoonka siyaasadeed ee ka dhanka ah Hirshabelle ee ka jira Magaalada Beledweyne.
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo siyaasiyiinta gobolka qaarkood ayaa dadaal ku bixinaya, sidii xubnaha weli ku harsan Hirshabelle ay ugu qancin lahaayeen inay ka soo baxaan.
Ololaha siyaasadeed ee sii xoogeysanaya ee lagaga soo horjeedo Hirshabelle ayaa salka ku haya diidmo xooggan oo xubnaha hormuudka u ah dadka reer Hiiraan ay ka muujiyeen doorashada Hirshabelle.


