Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Muqdisho kula kulmay Taliyeyaasha Ciidamada

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, iyadoona kulanka looga hadlay arrimaha amniga iyo is mari-waaga hareeyay nooca doorasho ee la rabo in dalka laga qabto.
Kulankan oo ka dhacay hoyga Raysal Wasaarihii hore ee Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi, Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) oo dhanka Dowladda Federaalka ka socday iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka, kuwooda ku sugan magaala madaxda dalka oo laga xusi karo Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Khayre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab).
Wararka ayaa sheegaya in qodobka amniga uu ahaa ajandaha ugu weyn ee ay dhinacyadu ku gorfeeyeen kulanka xasaasiga ah ee ka dhacay Caasimadda Muqdisho.
Saraakiisha ayaa la sheegay inay Xubnaha Madasha Samatabixinta la wadaageen walaacooda ku aaddan in arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay ay dhaawici karaan amniga dalka, ayna tahay in dowladda iyo mucaaradka ay si dhow uga wada-shaqeeyaan amniga, si wadajir ahna looga hortago khataraha iman kara.
Garabka dowladda ayay wararku sheegayaan in ay mucaaradka ka codsadeen inay aqbalaan ka qaybgalka shirka wadatashiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu fidiyay in 14-18-ka bishan uu ka qabsoomo magaalada, taasna ay ku xireen shuruud ah in marka hore Madaxweynuhu uu ogolaado in talada la wada leeyahay.
Marka laga soo tago in labada dhinac ay isku mowqif ka yihiin in mudnaanta koowaad la siiyo amniga, haddana lama soo sheegin wax horumar ah oo laga gaaray hannaanka loo guda gelayo xallinta khilaafka doorashada.


