Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Baraawe

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Khamiistan gaaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wafdiga Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Baraawe ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, Saraakiisha Ciidamada, maamulka gobolka, kan degmada iyo dadka deegaanka.

"Socdaalka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ee Magaalada Baraawe ayaa salka ku haya u kuurgelidda xaaladaha nololeed ee shacabka, qiimeynta guud ee amniga iyo sidii loo ogaan lahaa baahiyaha ka jira dhinacyada adeegyada bulshada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah nolosha dadka deegaanka." Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Warka ayaa lagu sheegay "Inta uu ku sugan yahay Magaalada Baraawe, Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ayaa diiradda saari doona xaaladda guud ee magaalada, baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, dadaalada lagu xaqiijinayo amniga iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta u dhexeysa maamulka, hay’adaha amniga, odayaasha dhaqanka iyo shacabka."

Gudoomiyaha Degmada Baraawe, Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa goor dhow sheegay in Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed uu kulamo ka bilaabay magaalada, isla-markaana uu illaa iyo hadda la kulmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, maamulada gobolka, degmada iyo odayaasha reer Baraawe.

"Odayaasha dhaqanka ayuu kala hadlay qaabkii dowladnimada ay bulshada ugu soo dhawaan lahayd, odayaashana runtii aad bay u soo dhaweeyeen." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo shir jaraa'id ku faahfaahiyay kulamadaasi.

"Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu la kulmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta, Booliska, Nabad Sugidda, Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Haramcad, wuxuuna dhammaan kala hadlay, sidii amniga loo xoojin lahaa, maadaama ay tahay meeshaan Caasimadda Dowladda Koonfur Galbeed." Ayuu sii raaciyay Gudoomiyuhu.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreyay ee Aadan Madoobe uu ku tago meel ka baxsan Magaalada Baydhabo, gudaha deegaanada Koonfur Galbeed.