Ciidanka Danab oo hawlgal ka sameeyay meel u dhow xadka Gobolka Baay

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa maanta hawlgal ka sameeyay deegaan ku dhow xadka Gobolka Shabellaha Hoose uu la wadaago Gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kumaandooska Danab ayaa hawlgalkan ka fuliyay deegaanka Madax Maroodi, iyagoo gacan ka helaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay beegsadeen fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab, intii Ciidanka Danab ay hawlgalka ka wadeen deegaankaasi.

War ka soo baxay Taliska Danab ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay afar horjooge oo ka tirsanaa Al Shabaab.

"Hawlgalkan ayaa lagu dilay afar ka mid ah horjoogeyaasha Khawaarijta, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen xubnihii kooxda ee ka hawlgalayay deegaanadaasi." Ayaa lagu yiri warka Danab.

Warka ayaa intaasi ku daray “Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaalada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, laguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanada.”

Deegaanka Madax Maroodi oo u dhow deegaanka Leego oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ayaa ah deegaan ay degan yihiin dad xoolo dhaqato iyo beeraley ah.