Askari kale oo Mareykan ah oo lagu dilay Waqooyiga Ciraaq

Militariga Mareykanka ayaa xalay xaqiijyay dhimashada askari kale oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Gobolka Bariga Dhexe, iyadoo xiisadda kala dhaxeyso Iran ay gaartay meeshii ugu sarreysay.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in askarigaasi uu Sabtidii ku dhintay Waqooyiga Ciraaq, intii la xakameynayay qarax ka dhashay diyaarad drone oo Iran ay leedahay.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in askari kale uu ku dhaawacmay dhacdadaasi, kaas oo laga daweynayo dhaawac fudud.

"Xubin ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee Waqooyiga Ciraaq ayaa lagu dilay hawlgal Luulyo 18-keedii, intii lagu jiray qarax la xakameeyay oo ka dhashay diyaarad aan duuliye lahayn oo Iran leedahay. Xubin labaad oo ka tirsan ciidamada ayaa dhaawacmay, waxaana laga daweynayaa dhaawac fudud." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhanka kale Taliska CENTCOM ayaa sheegay ka dib baaritaan qoto dheer oo la sameeyay in Ciidamada Mareykanka ay heleen meyd la xaqiijinayo, oo loo maleynayo in uu yahay askarigii lagu waayay weerarkii Iran ee Jordan.

Taliska CENTCOM ayaa habeenkii Sabtida sheegay in laba askari oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ay Jimcihii ku dhinteen weerar ay Iran ka gaysatay dalkaasi Jordan, mid kalena uu maqan yahay.

"Waxaa hadda socda habraac lagu xaqiijinayo aqoonsiga meydka la helay." Ayuu talisku ku sheegay warsaxaafadeedka.

Haddii la xaqiijiyo in meydka la helay uu yahay askarigii la la'aa ayaa waxay tani tirada Ciidamada Mareykanka ee la dilay, tan iyo markii uu dagaalka bilowday ka dhigeysaa 18 askari.

Maeykanka ayaa garaacis ba'an ku haya xarumaha militariga, saadka iyo kaabeyaasha tamarta ee Iran, taas oo keentay in Iran ay sii waddo weerarada ka dhanka ah saldhigyadiisa dalalka Carabta.