Ciidamada Mareykanka oo qabtay markab saddexaad oo lala xiriiriyay Iran

Militariga Mareykanka ayaa Khamiistan sheegay in ciidamadooda ay gacanta ku dhigeen markab saddexaad oo lala xiriiriyay saliidda laga dhoofiyo Dekedaha Iran.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee The Pentagon ayaa sheegtay in Ciidamada Mareykanka ay fuliyeen hawlgal ka dhacay Badweynta Hindiya, kaas oo lagu qabtay markab lagu magacaabo M/T Majestic X.

Wasaaradda ayaa qoraal ku sheegtay in markabka oo aan wadan wax calan ah uu siday saliid laga keenay Iran.

Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in markabka uu horey ugu jiray cunaqabateynta Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, sababo la xiriira taarikhdiisa shidaalka sharci darrada ah ee laga qaado sida ay sheegtay Iran.

"Waan sii wadi doonnaa xoojinta ilaalinta badaha caalamiga ah, si aan u carqaladayno shabakadaha sharci darrada ah iyo in aan go'doomino maraakiibta taageerada agabka ah siiya Iran, meel kasta oo ay ka hawlgalaan." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Talaadadii ayay ahayd, markii Ciidanka Badda Mareykanka ay Badweynta Hindiya ku qabteen markab nooca shidaalka qaada oo lagu magacaabo MV Tifani, kaas oo la sheegay in uu waday shidaal uu ka soo qaaday xeebaha dalkaasi Iran.

Ciidamada Mareykanka ayaa Axaddii Gacanka Cumaan oo u dhow Marinka Hormuz ku qabtay markab nooca kunteenarada qaada oo lagu magacaabo Touska. Iran ayaa sheegtay in markabka la qabtay, xilli uu ka soo laabtay Shiinaha, kuna soo sii jeeday dalka.