Mike Waltz oo sheegay in Mareykanka uu joojiyay duqaymihii Iran

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Mike Waltz ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu amray in la joojiyo ama la hakiyo weeraradii lagu hayay dalkaasi Iran, si uu fursad u siiyo dadaalada diblomaasiyadeed ee socda, isla-markaana uu meel ugu banneeyo wada hadalada.
Safiirka ayaa Axaddii sheegay in amarka Madaxweynaha Mareykanka lagu joojiyay weeraradii lagu qaadayay Iran habeenkii 2aad oo xiriir ah, si waqti dheeraad ah loo siiyo dadaalada diblomaasiyadda caalamiga ah.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee The Pentagon ayaa habeenkii Jimcaha joojisay duqaymihii xiriirka ahaa ee socday 13-ka habeen, waxaana habeenadii u dambeeyay la dareemayay qaboojin ku timid dagaalka.
Mike Waltz ayaa sheegay inkastoo ciidamada ay diyaar u yihiin in dagaalka la sii wado, haddana Trump uu fursad siinayo dadaalada laga dhex wado iyaga iyo Iran.
Waxa uu sheegay in fursadda diblomaasiyadeed aysan la macno ahayn in Mareykanku uusan sii wadi karin dagaalka, balse ay weli miiska saaran yihiin dhammaan xulashooyinka kale ee militari.
Dhanka kale Mike Waltz ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu sii yaraanayo kaydka hubka Mareykanka, taasna ay caqabad ku tahay in Washington ay ballaariso dagaalka Iran.
Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa Barnaamijka "Meet the Press" ee Telefishinka NBC News u sheegay in Mareykanku uu haysto wax kasta oo uu u baahan yahay, si uu u fuliyo hawlgalo militari oo ka dhan ah Iran.
"Waxaan rabaa inaan arrintan si cad u sheego. Ciidamada Mareykanka waxay haystaan wax kasta oo ay ugu baahan yihiin inay hawlgalkan u fuliyaan si heerka ugu sarreeya ee waxtarka leh." Ayuu yiri Waltz oo intaasi ku daray "Waxaan idiin sheegayaa, dadka soo dusinaya hadaladan aan sal iyo raadka lahayn inay mudan yihiin in xabsiga la dhigo."
Warbaahinta Mareykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku warameysay in dagaalka sii socda ee Iran uu Mareykanka ku riixayo in uu noqdo dal aan lahayn kayd hub.
Dagaalka Bariga Dhexe ayaa caqabad weyn ku noqday agabka difaaca Mareykanka ee gobolka, iyadoo isticmaalka badan ciidamada ee gantaalada difaaca hawada, sida Patriot iyo THAAD ay halis geliyeen kaydkii gobolka.


