Madaxweyne Donald Trump oo sheegay inaanan nuclear loo adeegsan doonin Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa si cad u sheegay in aanu hubka nuclear-ka u isticmaali doonin Iran, xilli ay sii kordheyso xiisadda labada dal, isla-markaana uu xiran yahay marin biyoodka Hormuz.

Madaxweynaha ayaa Khamiistii amar ku bixiyay inay Ciidanka Badda Mareykanka toogtaan doomaha Iran ee miinooyinka dhigaya Marinka Hormuz, taas oo lagu macneeyay koror hor leh oo xiisadeed.

Madaxweynaha oo xalay Wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiskiisa Oval ee Aqalka Cad, lana weydiiyay hubka nuclear-ka ma u adeegsan lahayd Iran ayaa ku jawaabay "Maya, ma isticmaali doono."

"Waa maxay sababta aan u isticmaali lahaa hubka nuclear-ka, markan gebi ahaanba baabi'inay Iran, la'aantiis." Ayuu yiri Trump oo carro ka muujiyay in su'aal noocaasi oo kale ah la weydiiyo.

Trump ayaa intaasi ku daray in ay tahay in aan cidina loo ogolaan inay isticmaasho hubka nuclear-ka, waana farriin uu ku taageerayo mamnuucidda caalamiga ah ee hubkaasi.

"Hubka nuclear-ka waa inaan marnaba qofna loo ogolaan inuu isticmaalo." Ayuu yiri Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka.

Hubka nuclear-ka ayaa ah kan ugu halista badan ee maanta dunida yaala, kaas oo adeegsigiisa si weyn u waxyeeleynaya qaab dhismeedka nolosha. Cawaaqibka isticmaalka hubka nuclear-ka ayaa ah mid aad u ba'an, dadkuna ma ahan mid ay u adkeysan karaan.

Illaa sagaal dal ayaa la aaminsan yahay in ay haystaan hubka nuclear-ka, kuwaas oo kala ah Ruushka, Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha, India, Pakistan, Waqooyiga Kuuriya iyo Israel.