Mareykanka oo gacanta ku dhigay markab labaad oo Iran laga leeyahay

Militariga Mareykanka ayaa Talaadadan sheegay in ciidamadooda ay Badweynta Hindiya ku qabteen markab nooca booyadaha ah, kaas oo ay sheegeen inuu siday shidaal uu ka soo qaaday Iran.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee The Pentagon ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan dadaalada ay ku xakameynayaan maraakiibta jebinaya go'doominta saaran Dekedaha Iran. Pentagon-ka ayaa bayaan ku sheegay in maraakiibtaasi lagu beegsan doono meel kasta oo ka mid ah badaha caalamiga ah.

Markabkan ayaa lagu magacaabaa MV Tifani, mana cadda waxa laga yeeli doono, balse Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegeysa in Saraakiisha Militariga ay go'aan ka sugayaan Aqalka Cad.

Ciidamada Mareykanka ayaa Axaddii gacanta ku dhigay markabka Touska, oo ah markab qaada kunteenarada ganacsiga.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in markabkaasi oo lagu qabtay Gacanka Cumaan uu isku dayay inuu ka baxsado xanibaadda Mareykanka.

Wuxuu ahaa markabkii ugu horreyay ee la sheego in la qabtay, isaga oo isku dayaya in uu jebiyo xayiraadda uu Mareykanku saaray markab kasta oo gelaya amaba ka baxaya Dekedaha Iran, tan iyo markii go'doominta la dhaqangeliyay 13-kii bishan.

La wareegitaanka Ciidamada Mareykanka ee markabka MV Tifani ayaa ah isku daygii ugu dambeeyay ee Trump uu ku curyaaminayo dhaqaalaha Iran, si madaxda dalkaasi uu ugu cadaadiyo inay heshiis aqbalaan.

Trump ayaa wareysi uu siiyay CNN ku sheegay in Iraaniyiintu aysan haysan wax kale, oo aan ka ahayn inay heshiis galaan.