Biden oo sheegay in xabad joojinta Gaza ay baajin karto weerarka Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa ku celiyay muhiimadda ay leedahay in xaban joojin laga sameeyo Marinka Gaza.

Madaxweynaha ayaa Taaladadii sheegay in soo afjarista colaadda Gaza ay Iran ka baajin karto weerarka aargudasho ay damacsan tahay inay ka gaysato dhulka Israel, ka dib dilkii Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh.

Dowladda Iran ayaa wacad ku martay inay ka aargudan doonto dilka ay Israel Tehran ugu gaysatay Ismail Haniyeh, kaas oo marti u ahaa.

Madaxweynaha ayaa Wariyeyaasha u sheegay in uu rajeynayo in Iran ay tanaasusho weerarkeeda Israel, haddii maalmaha soo socdo heshiis xabad joojin ah laga gaaro dagaalka Gaza.

Madaxweynaha ayaa qiray inay adkaan doonto in heshiis la gaaro maalmaha ina soo aaddan, balse waxa uu ku adkeystay inaysan ka quusan doonin.

Madaxweyne Biden ayaa Israel iyo Xamaas ku booriyay inay dardargeliyaan wada hadalada xabad joojinta Gaza, si loo soo afjaro dhiigga dadka rayidka ah ee daadanaya.

Khamiistii, Hoggaamiyeyaasha Masar, Mareykanka iyo Qatar ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay 15-ka bishan oo berrito ku beegan dib u bilaabaan wada hadaladan, si xabad joojin looga sameeyo Marinka Gaza, maxaabiistana la isku weydaarsado.

Sii socoshada dagaalka Gaza ayaa loo arkaa mid gobolka u horseedeysa isku dhac ballaaran, marka aad eegto dareenka xun ee ka dhashay weerarada naxariis darrada ah ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza.