Booliska oo soo bandhigay nin ku eedeysan inuu darawal mooto bajaaj ku dilay Muqdisho

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa caawa soo bandhigay nin dhallinyaro ah, kaas oo ku eedeysan amaba loo haysto in uu dilay darawal mooto bajaaj.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Geedi ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Dayniile, ka dib markii uu degmadaasi ku dilay sida lagu eedeeyay marxuum Cabdirisaaq Abuukar Maxamed.

"Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saldhigga Degmada Dayniile ayaa gacanta ku dhigay eedeysane S/le Cabdullaahi Axmed Geedi, oo ku eedeysan inuu Degmada Dayniile ku dilay marxuum C/risaaq Abuukar Maxamed, oo ahaa wade mooto bajaaj." Ayaa lagu yiri war uu soo saaray Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Warka ayaa lagu sheegay in eedeysanaha oo ku jira gacanta booliska loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh kiiska uu ku eedeysan yahay.

"Eedeysanaha ayaa ku jira gacanta booliska, waxaana loo gudbin doonnaa maxkamadda ku shaqada leh." Ayaa lagu yiri warka.

Eedeysanaha ayaa lala soo bandhigay bastoolad, taas oo u muuqato in dilka uu ku eedeysan yahay uu u adeegsaday, inkastoo aysan boolisku warkooda ku sheegin waxa uu dilkaasi u adeegsaday.

Warka booliska ayaan lagu xusin goorta eedeysanuhu uu bajaajlaha dilay, laakiin waxaa jiray nin bajaajle ahaa oo caweyskii xalay lagu dilay Waaxda Barwaaqo ee Degmada Dayniile.