Booliska Puntland oo rag u soo qabtay kufsi iyo jirdil loo gaystay gabar 8 jir ah

Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in saddex nin loo soo xiray fal kufsi iyo jirdil isugu jira oo Arbacadii loo gaystay gabar sideed jir ahayd.

Wararka ayaa sheegaya in gabadhan lagu fara xumeeyay deegaanka Hiiley oo hoostaga Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag, iyadoona haatan xaaladdeeda lagu la tacaalayo isbitaal ku yaala Magaalada Garoowe.

Dhakhaatiirta ka hawlgasha Garoowe ayaa laga soo xigtay in gabadhan ay u dhaxeso xaalad nolol iyo geeri ah. Kuwa falkan kula kacay ayay wararku sheegayaan in ay uga taggeen meyd ahaan, laakiin dib laga ogaaday in ay nooshahay.

Taliyaha Saldhigga Booliska Xiingalool ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen rag ku eedeysan falka argagaxa leh ee lagu la kacay gabadhaasi saqiirka ah.

Taliye Axmed Maxamed Warsame ayaa sheegay in laamaha amniga ay haatan baaritaan ku sameynayaan raggaasi, marka ay soo geba-gabeeyaana ay horgayn doonaan maxkamadda awoodda u leh inay kiiskoodu qaaddo.

"Eedeysaneyaasha xiran waa saddex nin, kiiska gabadhaa saddex nin baa u xiran, baaritaan baana ku socda, illaa gunteeda la gaaraayana baaritaankaas baa ku soconaya." Ayuu yiri Taliyaha oo xalay Warbaahinta kula hadlay Saldhigga Degmada Xingalool.

Taliyaha ayaa ballanqaaday in ay si hufan waajibaadkooda uga gudan doonaan kiiskan, maadaama sida uu sheegay uu wax ku cusub yahay dadka deegaanka.

Taliyaha ayaa dadka reer Xingalool uga digay inuu mar kale soo laabto kiiskan ama falkan oo kale uu ka dhaco deegaankooda, sababta ka boolis ahaana ay jawaabta adag uga bixinayaan ay tahay in aanu mar labaad deegaanku ka dhicin.

"Ummadda waxaan uga digaynaa kiiskani waa kiis ugub ah, waa kiis aan ka dhicin Gobolka Sanaag." Ayuu yii Taliyaha oo intaasi ku daray "Waxaan uga digaynaa ummadda wixii kale. Kiiskaasi wuu dhacay, nimankaasi way xiran yihiin oo baaritaan baa ku socda, sharci ayay marayaan, maxkamaddaa loo gudbinayaa."

Warbaahinta ayaa fahamsan in Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag ee Puntland, Gaashaanle Sare Aadan Axmed Cali uu gadaal ka riixayo in la dedejiyo baaritaanka kiiskan iyo in la soo xiro, haddii ay jiraan rag kale oo weli baxsad ku maqan.

Wararka ayaa sheegaya in saddexda nin ee hadda gacanta lagu hayo ay suurtagal tahay in la geeyo Degmada Badhan, si halkaasi loogu maxkamadeeyo.

Kufsiga ayaa ah mid ka mid ah dembiyada ugu foosha xun ee weli sida firfircoon uga dhacaya deegaanada Soomaalida.