Ciidamada Laftagareen oo xaalad ciriiri ah geliyay Baydhabo

Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa xaalad ciriiri ah geliyay Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay la wareegeen magaalooyinka iyo deegaanada ka baxsan magaaladaasi ee ka tirsan Gobolka Baay.

Ciidamadan ayaa wax ka yar toban maalmood kula wareegay dhammaan Degmooyinka Gobolka Baay, marka laga soo tago magaalda xarunta u ah gobolkaasi ee Baydhabo.

Ciidamada u daacadda ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa si buuxda ula wareegay Degmooyinka Diinsoor, Qansaxdheere, Berdaale iyo Buurhakaba iyo sidoo kale deegaanada istiraatiijiga ah ee gobolkaasi amaba hoostaga Baydhabo.

Tani ayaa waxay mucaaradka uu Cabdicasiis Laftagareen hoggaamiyo ay siisay inay yeeshaan gacanta sare ee awoodda iyo maamulka gobolka.

Shacabka ku dhaqan Baydhabo ayaa kuu sheegaya in ciidamada taageersan Laftagareen ay go'doon iyo xaalad ciriiri ah ay geliyeen magaalada, wax kastana ay u muuqaan inay sii qaaliyoobayaan.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in Baydhabo ay sidoo kale wajaheyso go'doon ciidan, bacdamaa waddooyinka laga soo galo ay gacanta ku hayaan ciidamada ka soo horjeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sarkaal kale oo ka tirsan Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay Baydhabo ayaa Universaltv u sheegay in xaaladda aysan sidaan sii ahaan doonin, isla-markaana uu jiro diyaargarow ciidan oo lagu furayo waddooyinka laga soo galo Baydhabo ee haatan laga maamulayo bannaanadeeda.

Ciidamada Laftagareen oo aad mooddo inay sii ballaarinayaan awooddooda militari iyo gacan ku haynta degmooyinka ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa abuuray cabsi ku aaddan in ay isku fidiyaan Gobolka Bakool.

Maamulka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka walaacsan in laga la wareego Xudur iyo Waajid ayaa magaalooyinkaasi ka wada abaabul ciidan, oo looga hortagayo weerar ay suurtagal tahay in ay ku qaadaan ciidamada taabacsan Laftagareen.