Xildhibaanada Galmudug oo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenadiisa

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ku doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Labadiisa Kuxigeen.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, ka dib markii uu 79 cod kaga adkaaday Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Jimcaale oo helay 8 cod.

Xildhibaan Cabdiqaadir Axmed Cali (Quuri) ayaa loo doortay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug, kaas oo ku guuleystay 87 cod.

Sidoo kale Xildhibaan Mursal Cabdi Aadan (Haaraa) ayay Xildhibaanadu u doorteen jegada Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug, isagoona xilka ku guuleystay tartan la'aan.

Xildhibaan Mursal Cabdi Aadan ayaa helay 87 cod, markii Xildhibaanadu ay qaab gacan taag ah ugu codeeyeen.

Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa isla maanta lagu dhaariyay Xarunta Baarlamaanka ee Dhuusamareeb.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 89 xubnood ayaa lagu wadaa in dhawaan ay doortaan Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug.