Ciidamada oo soo qabtay askari maanta dil ka gaystay Magaalada Muqdisho

Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay nin askari ahaa oo maanta dil ka gaystay Magaalada Muqdisho.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa goor dhow baahiyay sawirka Axmed Cadaawe Cali, oo ku eedeysan in uu yahay askarigii maanta dilka ka gaystay Degmada Dayniile.

"Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saldhigga Degmada Dayniile ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Dable Axmed Cadaawe Cali, oo ku eedeysan inuu Degmada Dayniile, Waaxda Oodweyne ku dilay marxuum Cabdullaahi Maxamed Muuse, ka dib muran soo kala dhexgalay." Ayaa lagu yiri war uu talisku soo saaray.

Warka laguma sheegin waxa dhabta ah ee askarigu uu ku dilay marxuumka, marka laga soo tago in muran uu dhex maray.

Hase yeeshee goor sii horreysay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in askari ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir uu Talaadadan xaafadda Oodweyne ee Degmada Dayniile uu nin dhallinyaro ahaa ugu dilay laba dollar, ka dibna uu askarigaasi ka baxsaday goobta.

Warka caawa ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu xusay in eedeysanaha loo gudbin doono maxkamadda ku shaqada leh kiiskiisa.

"Eedeysanaha ayaa ku jira gacanta booliska, waxaana loo gudbin doonnaa maxkamadda ku shaqada leh." Ayaa lagu yiri warka.