Ciidamada oo weerar ku qaaday deegaan ay ku sugnaayeen ragga dilka ku xukuman ee baxsadka ah

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta weerar ku qaaday deegaanka Yaaq-bariweyne oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii ay ogaadeen inay meel u dhow deegaankaasi ku soo laabteen lix nin oo ka tirsan maleeshiyada deegaanka ee hubeysan, isla-markaana ay 22-kii bishan Maxkamadda Militariga ku xukuntay dil toogasho, ka dib markii ay ku heshay in ay dad rayid ah dileen.

Raggan ayaa loo haystaa shan qof oo 11-kii bishan lagu dilay Yaaq-bariweyne iyo dilka dad kaloo safar ahaa loogu gaystay deegaankaasi, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka xamuulka ee adeegsada waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Ciidamada ayaa maalmo ka hor qaaday isbaaro maleeshiyadaasi u tiilay Yaaq-bariweyne, ka dib in muddo ah oo cabashadeeda ay soo noqnoqotay.

Ciidanka Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Xoogga Dalka oo kaashanaya Booliska Degmada Wanlaweyn ayaa Sabtidan weeraray meel ku dhow Yaaq-bariweyne, maalin uun ka dib, markii Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis) iyo Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow) ay iska soo duubeen muuqaalo ay ku sheegayaan in ay ku sugan yihiin deegaankaasi, isla-markaana ay sugayaan ciidamada lagu amray in ay soo qabtaan. Labadan nin ayaa ka mid ah lixda nin ee ka maqan gacanta sharciga ee dilka ku xukuman.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu uu dagaal xoogan ku qabsaday halkii ay ku weerareen maleeshiyadaasi, isla-markaana ay ku guuldareysteen in ay gacanta ku soo dhigaan raggii ay u baxeen in ay soo xiraan.

Goobjoogeyaasha ayaa waxay sheegeen in ciidamadu ay iska caabin xoog leh kala kulmeen maleeshiyaad si weyn qaab beeleed ugu abaabulan, isla-markaana isaga kala yimid dhul ka durugsan deegaanka Yaaq-bariweyne.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamadu ay gurmad ka heleen Kumaandooska Danab ee degan Xerada Ballidoogle oo aan ka fogeyn deegaankaasi.

Ciidamada oo watay gaadiidkooda dagaalka ayaa markii dambe hawlgal ka bilaabay gudaha Yaaq-bariweyne, iyagoona gacanta ku soo dhigay dhowr nin oo la tuhunsan yahay in ay qayb ka yihiin maleeshiyada deegaanka u timid in la difaaco ragga la doon doonayo.

Ciidamada ayaa hawlgalkan ka sameeyay gudaha Yaaq-bariweyne, iyadoo maleeshiyadu ay weli difaac adag kaga jirto bannaanka deegaankaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga laga soo qabtay Yaaq-bariweyne ay ku jiraan xubno ka mid ah maleeshiyadii ay isbaarada u tiilay Yaaq-bariweyne ee maalmo ka hor firxatay.

Ciidanka Guutada 7aad iyo Booliska Saldhigga Wanlaweyn ayaa xubnahan ay soo xireen la aaday dhinaca Degmada Wanlaweyn, halkaas oo uu taliskoodu yahay.

Ciidamada ayaa waxay amar buuxa u haystaan in ay nolol ama geeri ku keenaan ragga baxsadka ah, oo gabaad ka helaya maleeshiyada beesha ee aadka u hubeysan.

Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi Tuurey) ayay maxkamadeyntoodu ka dhacday Wanlaweyn, iyagoo aan goobta joogin.

Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanooy) oo ka mid ah Xildhibaanada beesha maleeshiyadan ku metela Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta sheegay in beeshu aysan ku qanacsaneyn in raggaasi la xukumo, iyagoo aan haysan qareeno difaaca.

Taliyaha Guutada 7aad, Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) ayaa Khamiistii sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgalka ka dhanka ah raggaasi iyo inay la dagaalamaan maleeshiyaadka qabaa'ilada ee isbaarooyinka dhigta waddada u dhaxeysa Wanlaweyn iyo Yaaq-bariweyne.

Dhanka kale shan qof oo uu ku jiro wiil da'yar ahaa oo gaari ciidan uu jiiray ayaa ku dhintay dagaalka dhex maray ciidamada iyo maleeshiyadaasi.

Xaalad aad u kacsan ayaa ka jirta Yaaq-bariweyne iyo nawaaxigeeda, iyadoo dadku ay xilli kasta filayaan in ciidamada ay soo laaban doonaan.

Odayaasha u hadlaya beesha aqlabiyadda deegaanka ayaa ku hanjabaya in ay iska difaaci doonaan, waxa ay ku sheegayaan ciidamada xiran shaarka dowladeed.