Congress-ka Mareykanka oo ansixiyay sharci lagu cunaqabateynayo Maxkamadda ICC
Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa goor dhow ansixiyay sharci lagu cunaqabateynayo Saraakiisha Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC).
Maxkamadda ICC ayaa 21-kii bishii November soo saartay amar lagu soo xirayo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca, Yoav Gallant, ka dib markii ay maxkamaddu sheegtay in labadaasi nin loo haysto dembiyo ka dhan ah bani’aadantinimada oo Israel ka gaysatay Marinka Gaza.
Sharcigan ayaa lagu beegsan doonnaa Saraakiihii ICC ee ku howlanaa dadaal kasta oo lagu baarayo, lagu xirayo amaba lagu dacweynayo qof kasta oo American ah iyo xulafadooda, gaar ahaan Israel.
Qoraalka hindise sharciyeedka ee la horgeeyay Congress-ka ayaa waaranka maxkamadda ee lagu soo xirayo Netanyahu iyo Gallant ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, isla-markaana aan waxba ka jirin.
Hindisaha ayaa sidoo kale sheegaya in amarka ICC uu abuurayo tusaale dhaawacan, oo khatar ku ah Mareykanka, Israel iyo xulafadooda kale ee aan qaybta ka ahayn maxkamadda.
Sharcigan ayaa ansax noqon doona, marka ay ansixiyaan Senate-ka Mareykanka, Madaxweynuhuna uu saxiixo.
Eedeymaha ay maxkamaqddu u soo jeedisay Israel ayaa waxaa ka mid ah in ay gaajeysiinta dadka rayidka ah u adeegsanayaan, sida hub oo kale, taasina waa dembi dagaal, marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka, waxaana muuqata in waxaasi uu Mareykanku diidan yahay.
Madaxweyne Joe Biden ayaa horey uga horyimid waaranka soo qabashada ee maxkamadda, isagoona ku tilmaamay wax laga xumaado.
Biden ayaa ugu yeeray wax lala yaabo amarka ay maxkamaddu ku dalbatay in la soo xiro Netanyahu iyo Gallant.
Ansixinta Congress-ka ee sharciga ayaa ku soo aadaya, iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres uu dhammaan dalalka ka codsaday inay ixtiraamaan go'aanka maxkamadda iyo sharciga caalamiga ah.
Mareykanka iyo Israel ayaan ka mid ahayn dalalka saxiixay maxkamadda.
Sharciga cunaqabateynta ayaa xitaa dhibaato ku noqon kara dalalka xubnaha ka ah ICC ee gacan ka gaysta fulinta waaranada.
ICC ayaa 124-ka dal ee xubnaha ka ah ka fileysa in ay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah, isla-markaana ay soo xiraan labadaasi nin, haddii ay wadamadooda soo booqdaan.
Haddii dalalka qaarkood ay ku guuldareystaan fulinta amarkeedan sharciga ah ayaa wuxuu wiiqi doonnaa go'aankii ay ku ogolaadeen dhismaheeda iyo fulinta awaamiirteeda.