Diyaarad nooca booyadda shidaalka oo ku burburtay Galbeedka Ciraaq

Diyaaraddan oo lagu magacaabo KC-135, isla-markaana ay leeyihiin Militariga Mareykanka ayaa ku burburtay Galbeedka Ciraaq, sida uu xaqiijiyay Militariga Mareykanka.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa saaka sheegay in diyaaraddu ay Khamiistii ku burburtay dalkaasi Ciraaq, iyagoona meesha ka saaray in wax weerar ahi lagu soo riday.

Diyaaraddan ayaa ah nooca hawada shidaalka ku siiya diyaaradaha dagaalka ee hawlgalada loo adeegsado. Diyaaradaha KC-135 ayaa sidoo kale waxay hawada shidaalka ku siiyaan diyaaradaha ilaalada madaxda iyo kuwa xamuulka.

Saraakiisha Militariga Mareykanka ee gobolka ku sugan ayaa laga soo xigtay in diyaaraddu ay haatan qayb ka ahayd hawlgalada wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran.

Taliska CENTCOM ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in diyaaraddu ay shil la kulantay, intii ay hawada ku duuleysay. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shilka ay ku lug lahaayeen laba diyaaradood, kuwaas oo mid ay dhacday, tan kalena ay si nabad ah u degtay.

"Laba diyaaradood ayaa ku lug lahaa shilkan. Mid ka mid ah ayaa ku dhacday Galbeedka Ciraaq, tii labaadna si nabad ah ayay u degtay. Tani ma ahayn dab colaadeed ama dab saaxiibtinimo." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhanka kale Xoogaga Shiicada Ciraaq ee Islamic Resistance in Iraq (IRI) ayaa sheegtay in ay iyagu diyaaaradda ku soo rideen Galbeedka Ciraaq, iyadoo la adeegsanayo hubka ku habboon, inkastoo ay Mareykanku meesha ka saareen in diyaaraddooda la soo riday.  

Xoogagan oo Iran ay bari-taarto ayaa si toos ah ugu lug leh dagaalka labada toddobaad ka socdo Bariga Dhexe, iyaga oo taageeraya Ciidamada Iran.

Illaa iyo hadda lama sheegin cid wax ku noqotay diyaaradda dhacday, balse Taliska CENTCOM ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo lagu soo samatabixinayo shaqaalihii diyaaradda.

Sarkaal Mareykan ah ayaa CNN u sheegay in ugu yaraan shan shaqaale ahi ay la socdeen diyaaradda burburtay. Inta badan diyaaradda KC-135 ayaa leh saddex illaa afar shaqaale, oo ay ku jiraan kabtanka diyaaradda iyo caawiyihiisa.

Diyaaraddan ayaa noqoneyso tii afaraad ee la ogyahay ee ka burburta Militariga Mareykanka, muddada uu socdo dagaalka ay Mareykanka iyo Israel kula jiraan Iran.

Saddex diyaaradood oo F-15E Strike Eagle ah ayaa toddobaadkii hore lagu soo riday Kuwait, iyadoona Saraakiisha Mareykanka ay sheegeen in si khaldan loo soo riday. Ciidanka Cirka Kuwait ayaa 8-dii bishan si lama filaan ah u toogtay diyaaradahan. Dhammaan lixdii duuliye ee la socday diyaaradahaasi ayaa si nabad ah loo soo samatabixiyay.