Donald Trump oo lagu helay dacwaddii loo haystay

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa Khamiistii lagu helay dhammaanba eedeymihii loo haystay, ka dib tan iyo bishii April oo dhageysiga dacwadda lagu soo oogay ay ka socotay Maxkamadda Gobolka New York.

Dacwad oogayaasha iyo qareenadii difaacayay Musharaxa Madaxweynaha Madaxweynaha ayaa Talaadadii soo geba-gabeeyay dooddii xiritaanka ay u gudbiyeen xeerbeegtida, kuwaa oo Khamiistiina soo saaray go'aankooda.

Xeerbeegtida New York ayaa sheegay in ay ku heleen dembi ah in uu been abuur ka sameeyay dokumenti, si loo qariyo lacago lagu aamusiinayay haweeney sameysa filimada anshax darrada ah, ka hor doorashadii madaxtinimada dalkaasi ee sanadkii 2016.

12 xeerbeegti ayaa sheegay in Trump ay ku heleen dhammaanba 34-ka eedeymo ee ninkaasi uu wajahayay.

Trump oo mar kale xilka u tartamaya bisha November ayaa wajahaya afar sano oo xarig.

Intii ay socotay dhageysiga dacwaddii lagu soo oogay, xeerbeegtida ayaa dhageysatay marqaatiyaal magacyo waaweyn oo maxkamadda la horkeenay.

Stormy Daniels ayaa horey u sheegtay in iyada iyo Trump ay galmo sameeyeen, isla-markaana ay ka aqbashay lacag dhan 130,000 oo dollar in ay ka qaadato qareenkiisii hore Michael Cohen, si aysan cidina ula wadaagin wixii dhex maray.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Mikel Cowin uu yahay ninka haweeneydaasi siiyay lacagta, ka hor toddobaadyadii ugu dambeeyay ee ololihii doorashada ee 2016.

Xisaabiyihii Trump ayaa Isniintii bixiyay macluumaad muhiim ah oo la xiriira, sida xafiiska uu u qariyo lacagaha loogu talagalay in lagu qariyo waxyaabaha dhibta keeni kara, iyadoo laga dhigayo in sifo sharci ah ay u baxeen.

Lacagaha noocaas ah ayaa sharci darro ka ah dalka Mareykanka, waana sababta loogu dhegan yahay Ex Madaxweyne Trump.

Trump ayaa lagu haystaa in uu ka been sheegay lacagaha laga bixiyay diiwaankiisa ganacsiga, oo uu ku sheegay mid lagu bixiyay shaqo uu qabtay nin qareen ah.

Eedeymahan ayaa soo shaacbaxay sanadkii 2018, waxaana Trump muddadaasi uu beeninayay in si sharci darro ah uu ku bixiyay wax lacag ah.

77 jirkan ayaa ku andacoonaya inaanu gelin wax dembi ah, waxaana la filayaa in uu rafcaan ka qaato xukunka.

Xukunkan ayaan Trump ka hor istaageynin inuu u ololeeyo doorashada 5-ta bisha November ka dhaceysa dalkaasi amaba uu qabto xilka, waaba haddii uu tartanka doorashada ku guuleysto.

Trump ayaa doorashada socoto la tartami doona Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden, oo hadda ah Madaxweynaha Mareykanka.

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga waa Trump'e ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in dacwadda ka dhanka ah ay gadaal ka riixayaan siyaasiyiinta ay is hayaan.

Trump ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreyay ee Mareykan ah oo maxkamadi ay ku hesho dembi.