Gabar 15 jir ahayd oo toogasho dad ku dhinteen ka gaysatay dalka Mareykanka

Booliska ayaa gabar 15 jir ahayd u aqoonsaday in ay ka masuul tahay toogasho Isniintii ka dhacday Dugsiga Abundant Life Christian ee Magaalada Madison ee Gobolka Wisconsin.

Gabadhan ayaa la sheegay in ay adeegsaneysay qori, iyadoo goobta ku dishay laba qof oo lagu kala sheegay arday iyo macalin, halka lix kalena ay dhaawacday.

Gabadhan oo magaceeda lagu sheegay Natalie Rupnow ayaa sidoo kale geeriyootay, sida ay boolisku xaqiijiyeen.

Taliyaha Booliska Madison, Shon Barnes ayaa sheegay in uu socdo baaritaan lagu ogaanaya halka uu ka yimid hubka ay adeegsatay gabadhaasi.

Taliyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in caddeymaha ay muujinayaan in Natalie ay rasaas ku furtay dadkii ku sugnaa gudaha iskuulkii ay wax ka baraneysay.

"Laba arday ayaa ku sugan xaalad halis ah, kuwaa oo qaba dhaawacyo culus, halka saddex arday oo kale iyo macalin ay soo gaareen dhaawacyo aan halis ahayn." Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in qof walba oo ku sugnaa dhismaha uu yahay dhibane, uuna weligii ahaan doono dhibane.

"Raadadka noocani oo kale ah ayaa qofka uga taga dhaawac maskaxiyan ah." Ayuu yiri Talyuhu.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay inaysan caddeyn ujeedada ka dambeysa toogashadaasi, laakiin ay wax kasta ku soo kala caddeyn doonaan baaritaankooda.

Toogashada ayaa dhacday toddobaadkii ugu dambeeyay ee ka hor fasaxa jiilaalka, waana wax cabsida ku kordhineysa waalidiinta ay ubadkooda wax ka bartaan iskuulada.

Dhacdadan ayaa noqoneyso mid ka mid ah dhacdooyinka toogashada ee ay ardayda ku lug leeyihiin ee sanad walba ka dhaca dalkaasi.