Gudoomiye Yabooh: La dagaalanka Khawaarijta ha lagu daro ciyaal weerada

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ku baaqay in barnaamijka Garan-waa, ee dadweynaha lagu wacyigeliyo, isla-markaana lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab in lagu lamaaneeyo la dagaalanka ciyaal weerada.

Gudoomiye Kuxigeenka oo xalay ka hadlayay kulan la xiriira barnaamijka Garan-waa, oo lagu qabtay deegaanka Garasbaaley, hal-ku-dhigna looga dhigay (La dagaalanka muqaadaraadka iyo Khawaarijta) ayaa soo jeediyay in lagu daro dagaalka ka dhanka ah kooxaha ciyaal weerada.

Waxa uu muujiyay in ciyaal weerada ay qayb ka yihiin kooxaha abaabulan ee falalka amni darro ka gaysanaya Magaalada Muqdisho.

"La dagaalanka Khawaarijta iyo muqaadaraadka hal xaboo ka dhimanaa ku dari lahaa inaad ku dartiin, oo ah la dagaalanka ciyaal weerada." Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa yiri "Ciyaal weero laftirgoodu ama ciyaal burcad ama dadka deegaanka qof kastoo dhib ku hayo inaad ku darsatiin hal-ku-dhigiina, sida loola dagaalamayo cadowga inaad ula dagaalantiin, maadaama wax kastoo deegaanka iyo amniga magaalada dhib ku ah, shacabka dhibaayo, bulshada hantidooda iyo naftooda u socdaba inaad la dagaalantiin."

Ciyaal weerada oo koox koox u abaabulan ayaa horaantii sanadkii hore ka dilaacay Caasimadda Muqdisho, waxa ayna qayb weyn ka yihiin falalka liddi ku ah amniga magaalada.

Kooxahan ayaa xilliyada habeenkii dadka shacabka ah ku baarta xaafadaha magaalada, iyagoona mararka qaarkood gaysta dilal argagax leh.

Ciyaal weerada waxaa la tilmaamaa inay u badan yihiin kuwo isticmaala waxyaabaha maanka-dooriya.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ayaa marar badan lagu dhaliilay in ay ku guuldareysteen wax ka qabashada ciyaal weerada mindiyaha iyo faasaska ku hubeysan, ee ku sii baahaya xaafadaha magaalada.

Ururka Al Shabaab ayaa daba-yaaqadi bishii hore ee February iclaamiyay dagaal ka dhan ah ciyaal weerada iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha.

Toddobaadkii tegay Amniyaadka Al Shabaab ayaa magaalada ku dilay 20 qof, oo isugu jira ciyaal weerada iyo waxa ay ku sheegeen ganacsatada muqaadaraadka, iyagoona qaraxyo ku burburiyay goobo ay sheegeen in maandooriyaha lagu iibinayay.