Kamala Harris oo Netanyahu u sheegtay in la joogo waqtigii la joojin lahaa dagaalka Gaza

Kamala Harris, Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka ahna Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ayaa Magaalada Washington kula kulantay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, iyadoona hordhigtay in xukuumaddiisu soo afjarto weerarada ay ku hayso Marinka Gaza.

Haweeneydan ayaa sheegtay in ay Raysal Wasaaraha Israel la wadaagtay walaaceeda ku aaddan dhibaatada ay ciidamadiisu ka abuureen Marinka Gaza.

"Kama aamusayo waxa ka socda Gaza." Ayay tiri Kamala Harris oo hadleysay, ka dib kulan si dhow isha loogu hayay oo ay la yeelatay Netanyahu.

Waxay sheegtay in Israel ay xaq u leedahay inay is difaacdo, balse gacanta adag ee Tel Aviv ay tahay mid walaac xoog leh ku haysa.

"Waxaan u caddeeyay welwelka aan ka qabo xaaladda ba'an ee bani'aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza." Ayay tiri Kamala Harris.

"Waxa Gaza ka dhacay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay waa wax aad u xun. Ma iska eegi karno masiibooyinkan, ma ogolaan karno inaan nafteenna kabuubno, aniguna iska aamusi maayo." Ayay tiri haweeneydu.

Kamala Harris ayaa adkeysay in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa dagaalkan.

Haweeneydan loolanka adag ugu jirto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November ka dhaceysa dalkaasi ayaa waxay isku dayeysaa in ay caddeyso hubinti la'aanta ku saabsan mowqifkeeda la xiriira Israel, haddii ayba ku guuleysato doorashadan.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ku warantay in hadalada Kamala Harris uu ahaa mid fiiqan oo dhab ah, waxna ka bedeli kara siyaasadda Aqalka Cad uu kula macaamilayo Netanyahu.

Xiriirka Kamala Harris iyo Netanyahu ayaa la sheegaa in uu mad madow soo kala dhex galay wixii ka dambeeyay 25-kii bishii March, markaas oo Netanyahu ay uga digtay in ciidamadiisu ay weeraraan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, halkaas oo ay gabaad ka dhiganayeen inta badan dadka reer Gaza ee guryahoodii laga soo barakaciyay.

Ciidamada Israel ayaa 7-dii bishii May weeraray deegaankaasi, iyagoona ka barakciyay qiyaastii 1.5 milyan oo barakacayaal ah. Dunida ayaa si weyn uga carootay weerarkaasi, maadaama uu caalamka u tixgelinayay Rafah aag bani'aadantinimo.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa xilligaasi baahineysay inaanu Netanyahu wax ixtiraam ahi u muujin xulafadiisa reer galbeedka, waana tan keentay in dowladaha reer Yurub qaarkood ay aqoonsadaan Dowladnimada Falastiiniyiinta.

Netanyahu ayaa wajahaya cadaadis gudaha iyo dibadda, si loo soo afjaro dagaalka iyo duqaymaha ay dadka faraha badan ku dhimanayaan ee bishii 10aad ka sii soconaya Marinka Gaza.

Duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa si weyn u dhaawacay xiriirkii Tel Aviv ee caalamka, iyadoona la kulantay cambaareyn aan caadi ahayn.