Madaxweynaha Mareykanka oo Iran iyo Israel ku eedeeyay in ay jebiyeen xabad joojinta
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Iran iyo Israel ku eedeeyay in ay jebiyeen heshiiska xabad joojinta ee xalay uu ku dhawaaqay in ay labada dal gaareen.
Sida uu Madaxweynuhu sheegay xabad joojinta ayaa dhaqangeli lahayd lix saac ka dib, laga bilaabo xilliga uu ku dhawaaqay, laakiin ay weli sii socdaan duqaymaha hawada ee ay labada dhinac is dhaafsanayaan.
Labada dowladood ayaa horey u aqbalay xabad joojinta, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi uu sheegay in jawaabta hawlgaladooda militari ee ka dhanka ah Israel ay soo afjareen daqiiqaddii ugu dambeysay ee 4:00am aroornimo ee Talaadadan, halka Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu sheegay inay soo dhaweynayaan xabad joojintaasi, balse xilliga ay doonaan ay hawlgal ka fulin karaan gudaha Iran. Tehran waxay wacad ku martay in ay ka falcelin doonto weerar kasta oo Tel Aviv kaga yimaada.
Militariga Israel ayaa Iran ku eedeeyay in ay gantaalo ku soo weerartay hawadooda, ka gadaal markii ay xabad joojintu dhaqangashay, laakiin Militariga Iran ayaa eedeyntaasi ku tilmaamay mid been abuur ah, waxayna caddeeyeen in aysan gacmaha ka laaban doonin, haddii Israel ay weeraradeeda sii waddo.
Tani ayaa waxay dhabaha u xaartay in labada dalba ay sii wadaan weeraradooda xagga cirka ah, taas oo wiiqeysa rajadii laga qabay in xabad joojintu ay shaqayn doonto.
Madaxweyne Trump oo Warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad ayaa isagoo cabiraya aragtidiisa, waxa uu sheegay in labada dhinacba ay jebiyeen heshiiska.
Madaxweynaha ayaa ka hor inta aanu u ambabixin Shirka Hoggaamiyeyaasha NATO ay ku leeyihiin dalka Netherlands, waxa uu dhalleeceeyay Israel, isagoona sheegay in si gaar ah aanu ugu faraxsaneyn Israel, isla-markaana aysan ahayn inay weerarto Iran, laga yaabo in gantaalada ay ka cabaneyso ay Iran si khalad ah saakay ugu soo ridday dhulka Israel.
Waa hadalkii ugu adkaa ee Trump uu ku weeraro Israel, tan iyo intii uu xafiiska dib ugu soo laabtay bishii January ee sanadkan iyo inta ay socoto colaadda kala dhaxeysa dalka Iran.
Israel ayaa lagu tilmaamaa dal saaxiib dhow la ah Mareykanka iyo sidoo kale xulafada ugu weyn Mareykanka ee Gobolka Bariga Dhexe.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa heshiiska xabad joojinta ku dhawaaqay, saacado ka dib, markii Ciidamada Iran ay gantaalo ku weerareen Saldhigga Ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dalka Qatar ee lagu magacaabo Al Udeid.