Madaxweynaha Mareykanka oo weerar afka ah ku qaaday Giorgia Meloni

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Raysal Wasaaraha Talyaaniga, isagoona sheegay in uu ku khaldamay Giorgia Meloni oo uu moodaayay qof geesi ah inay tahay.
Intii uu socday dagaalkii Mareykanka iyo Israel ay kula jireen Iran, Talyaaniga ayaa diiday in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay adeegsadaan Saldhiggooda Sigonella.
"Waan ka naxay iyada, waxaana u malaynayay inay leedahay geesinimo, laakiin waan khaldanaa." Ayuu yiri Madaxweyne Donald Trump oo ka hadlaya Giorgia Meloni, mar uu wareysi siinayay Wargeyska Corriere della Sera ee Talyaaniga.
Giorgia Meloni ayaa Isniintii wax aan la aqbali karin ku tilmaamtay weerarka uu Trump Axaddii ku qaaday Baadariga Mad-habta Katooliga, Pope Leo oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Bariga Dhexe.
Trump ayaa baadariga ku eedeeyay in uu yahay mid ku tabar daran dembiyada iyo siyaasadda arrimaha dibadda, ka dib markii uu ku baaqay in la soo afjaro colaadda Bariga Dhexe.
"Pope Leo waa Madaxa Kaniisadda Katooliga, waana sax iyo wax iska caadi ah inuu ku baaqo nabadda iyo inuu cambaareeyo nooc kasta oo dagaal." Ayay tiri Giorgia Meloni oo intaasi ku dartay in hadalka Trump ee ka dhanka ah baadariga uu yahay wax aan la aqbali karin.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka oo u jawaabayay haweeneyda Raysal Wasaaraha ka ah Talyaaniga ayaa yiri “Waa iyada tan aan la aqbali karin, sababtoo ah dan kama laha inay Iran hesho hub nuclear ah, waxayna horey u sheegtay in Iran ay si fudud u weerari karto Taliyaaniga, haddii ay fursad hesho.”
Diidmada Giorgia Meloni ee ku saabsan in Talyaaniga uu gacan ka gaysto dagaalka Iran amaba inuu Mareykanka isticmaalo saldhigga uu gudaha dalkaasi ku leeyahay ayaa noqotay bartilmaameedka Trump, isagoona ku eedeeyay inay meel cidlo ah uga dhaqaaqday xulafadooda Mareykanka.
Dalalka Midowga Yurub oo Talyaaniga uu xubin ka yahay iyo Ingiriiska ayaa iska diiday in ay wax lug ahi ku yeeshaan duulaankii Mareykanka iyo Israel ee Iran, iyaga oo dagaalkaasi u arkayay mid sharci darro ah oo Israel ay gadaal ka riixeysay.
Dagaalkan ayaan keliya laga diidin Yurub, balse waxaa sidoo kale laga diiday gudaha Mareykanka, iyadoona shacabka dalkaasi ay Trump ku eedeeyeen in uu dalka geliyay dagaal aan kooda ahayn, uuna u horseeday sicir barar nolosha maalinlaha ah.


