Madaxweyne Biden: Dilka dadka aan waxba galabsan ee Gaza waa in la joojiyo

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Jimcihii sheegay in Israel ay tahay in ay joojiso dadka rayidka ah ee ay ku dileyso Marinka Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlayay munaasabad uu qaranku ku raaligelinayo doorka Dowladda Federaalka ee dugsiyada hoyga ah ee dhallaanka Mareykanka ayaa waxaa khudbaddiisa hareeyay buuq ay sameynayeen dad ka carreysan dhiigga ay Israel ku daadineyso Marinka Gaza.

Madaxweynaha oo ka garaabayay carrada muwaadiniinta Mareykanka ayaa qiray in dad badan oo aan waxba galabsan lagu dilayo gudaha Gaza

"Waxaa jira dad badan oo aan waxba galabsan oo la dilayo, waana in la joojiyaa." Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Hadalka Madaxweynaha ayaa jawaab u ahaa su'aal uu weydiiyay nin ku qaylinayay “Ka waran dadka Gaza, ka waran shacabka Falastiin?”

Dadkii goobta u yimid inay khudbaddiisa dhageystaan ayaa qaarkood ku lahaa "Halkan ka tag."

Carrada shacabka Mareykanka ayaa qayb ka ah dareenka xun ee weerarada aan kala sooca lahayn ee Israel ka waddo Marinka Gaza uu ku dhaliyay bulshada caalamka.

Mareykanka ayaa lagu dhalleeceeyaa in uu bixiyo hubka ugu badan ee ay maanta Israel ku xasuuqeyso dadka reer Gaza.

Israel ayaa hadda gabood fallo ka dhan ah aadanaha ka waddo waqooyiga Marinka Gaza, halkaas oo ay diidan tahay in kaalmada bani'aadantinimo la geeyo, iyadoo sidoo kalena ay dil iyo xarigba ku hayso dadka ay sida khasabka ah uga barakacineyso guryahooda.

Hawlgalka waqooyiga Gaza oo galay toddobaadkii afaraad ayaa waxaa lagu dilay dad tiradooda lagu sheegay illaa kun qof, iyadoo tiro kalena ay Ciidamada Israel ku dhaawaceen. Ciidamadan ayaa xitaa hortaagan in sahayda dawada ah la gaarsiiyo goobaha caafimaadka ee waqooyiga Marinka Gaza.