Madaxweyne Biden oo mar kale ku hor haftay shacabka Mareykanka
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa xalay ku haftay shir jaraa'id oo la wada sugayay, ka dib markii uu isku khalday magacyada haweeneyda Madaxweyne Kuxigeenka u ah Kamala Harris iyo Donald Trump.
Madaxweynaha ayaa shirkiisan jaraa'id kaga hadlayay dhalleeceynta uu kala kulmayo shacabkiisa, ka dib markii daba-yaaqadii bishii June uu waxyaabo badan isku khalday, intii ay socotay dooddii ugu horreysay ee loo qabtay isaga iyo Trump.
Shacabka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay da'da Madaxweynaha iyo sida ay maskaxdiisu u lumineyso xusuusta.
Madaxweynuhu wuxuu xalay ku andacooday inuu isagu yahay shakhsiga ugu mudan ee hoggaamin kara Mareykanka, wuxuuna iska diiday soo jeedinta ah inuusan ku habbooneyn in mar kale uu u tartamo doorashada madaxtinimada dalkaasi ee la qabanayo 5-ta bisha November.
Madaxweynaha oo ka hadlayay Caasimadda Washington ayaa sheegay in xaaladdiisu ay wanaagsan tahay, isla-markaana uu doonayo in muddo xileed kale uu hoggaamiyo Aqalka Cad.
Mar wax laga weydiiyay inuu afar sano oo kale dalka hoggaamin karo ayuu difaacay go'aankiisa dib ugu soo laabashada xafiiska, waxaana uu isku sifeeyay qofka mudan ee ku guuleysan kara doorashada November, isla-markaana aysan kaalintiisa hoggaamineed wax shaki ah ku jirin.
Hase yeeshee Biden ayay daqiiqado yar ka dib fadeexad ka qabsatay, markii uu isku khalday magacyada Donald Trump iyo Kamala Harris.
Madaxweynaha oo ka waramayay kartidiisa iyo xulashadiisa uu Kamala Harris ugu soo xushay inay kuxigeen u noqoto ayaa kala hadlay.
"Bal fiiri uma aanan dooran Madaxweyne Kuxigeenka Trump, haddii aysan u khalmin inay Madaxweyne noqoto. Marka aan halkaa ka bilowno, marka koowaad xaqiiqdu waxay tahay in tixgelintu ay tahay inaan malayno inaan ahay qofka ugu aqoonta badan, si aan ugu tartamo Madaxweynaha. Halmar ayaan garaacay, mar labaadna waan garaacayaa." Ayuu yiri Madaxweynuhu, iyadoo shirka jaraa'id ay goobjoog ka ahaayeen Hoggaamiyeyaasha Gaashaanbuurta NATO qaarkood iyo weliba Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy.
Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar kale isku khalday magacyada Madaxweyneyaasha Ukraine iyo Ruushka, isagoona Madaxweyne Zelenskyy ugu yeeray Putin, mar uu doonayay in microphone-ka uu ku soo dhaweeyo Madaxweynaha Ukraine.
"Haddana waxaan hadalka siinayaa Madaxweynaha Ukraine, oo ah nin kulansaday karti iyo dhiiranaan. Mudaneyaal iyo marwooyin ila soo dhaweeya Madaxweyne Putin. Madaxweyne Putin waan hubaa in aad garaaci doonto Putin. Putin waxaan ula jeedaa Zelenskyy." Ayuu yiri Biden.
Biden oo ay is hayaan Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa ku cudurdaartay in Putin uu maskaxda ka galay, sababo ku aaddan halka ay ka kala joogaan siyaasadda caalamka iyo arrinta Ukraine.
"Waxay iiga dhegtay in aan Putin meel saaro, maxaa yeelay welwel ayuu nagu hayaa. Waxaan aad diiradda u saarayaa inaan garaaco Putin." Ayuu yiri Biden, isaga oo isa saxaya.
Is gefka hadalada Madaxweynaha ayaa muujineysa in xusuustiisu ay si' wax ka yihiin, inkastoo isagu uu ku adkeysanayo in xaaladdiisu ay wanaagsan tahay.
Biden oo 81 jir ah ayay da'diisu walaac ku haysaa shacabka Mareykanka, waana tan keentay in Siyaasiyiinta Xisbigiisa Dimoqraadiga qaarkood ay ugu baaqaan inuu isaga haro tartanka doorashada.
Haddii Biden uu ku adkeysto in uu tartamo doorashada bisha November ayaa wuxuu noqonayaa hoggaamiyihii ugu da'da weynaa ee Mareykan ah, oo mar labaad u tartamo jegada madaxtinimada ee Mareykanka.
Biden wuxuu noqday Madaxweynihii Mareykanka ugu da'da weynaa ee xilka loo dhaariyo, isagoo 78 jir ah.