Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka oo gaaray Israel, iyadoo la xoojinayo xabad joojinta Gaza
Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, JD Vance ayaa gaaray Israel, xilli Dowladda Madaxweyne Donald Trump ay cadaadiska ku kordhineyso Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, si loo ilaaliyo hindisihiisa soo afjaraya colaadda Gaza.
Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff iyo Jared Kushner, oo ah wiilka uu soddoga u yahay Madaxweyne Trump ayaa Isniintii la kulmay Raysal Wasaaraha Israel, iyagoo ku adkeynaya in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara qorshihii uu ka soo shaqeeyay Madaxweynahooda.
Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka ayaa maanta ka degay Magaalada Tel Aviv, socdaalkiisan oo qayb ka ah dadaalada Maamulka Donald Trump uu ku xoojinayo heshiiska xabad joojinta Gaza.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Kuxigeenku uu Raysal Wasaare Netanyahu ku riixi doono in la bilaabo wada-xaajoodyada ku saabsan arrimaha mustaqbalka fog, si meesha looga saaro Ururka Xamaas ee Falastiin ee ka arrimiya Marinka Gaza.
Madaxweyne Trump ayaa 29-kii bishii September soo bandhigay qorshe ka kooban 20 qodob oo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, isla-markaana ay ku jiraan sii deynta dhammaan maxaabiista Israel, xabad joojinta Gaza, hub ka dhigista Xamaas iyo in laga wareejiyo maamulka Gaza.
Inkasta oo Xamaas ay mabda' ahaan aqbashay qorshaha Trump, haddana waxay dalbatay in wada-xaajood ay ka gasho qodobada qaar ay u aragtay inay qodxaha leeyihiin, sida inaanan cid ajnabi ah lagu wareejin maamulka loo sameynayo Gaza iyo inaysan hubkeeda ku wareejin doonin gacan shisheeye, oo ay ku wareejin doonto dad Falastiiniyiin ah, marka is faham buuxa laga gaaro in la dhiso Dowladda Falastiin.
Qorshahan uu Trump soo bandhigay ayaa waxaa ku jira qodob ay Washington ku caddeysay in ay fududayn doonto wada hadal dhex mara Falastiiniyiinta iyo Israel, oo lagu gaarayo heshiis ay shacabka labada dhinac si nabad ugu wada noolaanayaan Bariga Dhexe, iyadoo Falastiiniyiinta ay yeelanayaan dal madaxbannaan.
Israel ayaa gebi ahaanba diidan in Xamaas ay ka sii jirto Gaza, iyadoo u aragto mid khatar dhab ah ku ah ammaankeeda, haddaba si meesha looga saaro Xamaas waa waxa uu Mareykanku u doonayo in la guda galo wejiyada kale ee qorshihiisa heshiiska nabadda ee Marinka Gaza iyo weliba kan Bariga Dhexe, si mustaqbalka nabad loogu soo dabaalo gobolka.
Trump oo 13-kii bishan shir looga hadlayay nabadda gobolka kaga qaybgalay Magaalada Sharm El-Sheikh ayaa ku dhawaaqay in uu dhammaaday dagaalkii Gaza, ka dib xabad joojintii 10-kii bishan ka dhaqangashay Marinka Gaza.
Hase yeeshee xabad joojinta ayaa Axaddii qarka u fuushay in ay burburto, ka dib isku dhacyo laga soo wariyay koonfurta Marinka Gaza, taas oo keentay in Israel ay diyaaradaheeda ay si saf mareen ah u garaacaan koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza.
Israel ayaa Xamaas ku eedeysay in weerar ay soo qaadday ay ku dhinteen laba ka mid ah askarteeda, iyana ay duqaymo culus ku dishay tobanaan qof oo Falastiiniyiin ah.
Rabshadaha Axaddii ayaa dhaliyay cabsi ku aaddan in ay meesha ka bixi karto xabad joojintan 12-ka maalmood ka shaqeynayso Marinka Gaza, waana tan Mareykanka ku hoggaamineysa in tallaabooyin dheeraad ah la qaado, oo ay ku jirto in si degdeg ah gudaha Israel looga hawlgeliyo xarun isku-dubarid militari iyo rayid oo la dejiyo 200 oo ka mid ah Militariga Mareykanka, oo ilaaliya heshiiska xabad joojinta Gaza iyo in aan la carqaladeyn qulqulka gargaarka bani'adaantinimo ee Gaza.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa la aaminsan yahay in uu ka walaacsan yahay habka Israel u wajaheyso Gaza, taasoo xabad joojinta ka dhigeysa mid jilicsan oo xilli kastana burburi karta.