Madaxweyne Trump: Kuma faraxsani weerarka Israel ee Qatar
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in aanu ku faraxsaneyn duqaynta ay Israel ka fulisay dalka Qatar ee ka dhanka ah Saraakiisha Ururka Xamaas.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in go'aanka lagu weeraray Qatar uu ahaa go'aan uu Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ku keli yahay, isagoo u muuqday mid cadaadiska caalamiga ah ku kordhinaya Hoggaamiyaha Israel.
"Kani wuxuu ahaa go'aan uu qaatay Raysal Wasaare Netanyahu ee ma ahayn go'aan aniga iga yimid." Ayuu yiri Madaxweynuhu oo warkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa barraha bulshada ee Truth Social.
Isagoo iska fogeynayay weerarka ayaa wuxuu sheegay in Mareykanku uu xogta weerarka helay, xilli ay aad uga daaheen inay wax ka qabtaan.
Madaxweynaha oo xalay fiidkii Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Washington, waxna laga weydiiyay duqaynta Israel ee Magaalada Doha ayaa ku jawaabay "Kuma faraxsani xaaladda oo dhan, ma ahan xaalad wanaagsan."
Waxa kaloo uu yiri "Waxaan sheegaya in aan rabno in la haysteyaasha dib loo soo celiyo, laakiin kuma faraxsani sida ay maanta wax u dhaceen."
Trump ayaa Saxafiyiinta u sheegay in Arbacada maanta ah uu war rasmi ah ka soo saari doono xiisadda ka dhalatay weerarkan.
"War dhameystiran ayaan berrito ka soo saari doonnaa, laakiin waxaan idiin sheegayaa middan aad baan ugu faraxsaneyn dhinac kasta." Ayuu yiri Trump.
Xamaas ayaa waxay sheegtay in markii uu weerarku dhacayay ay wafdigeeda wada-xaajoodku ka shirayeen qodobada hindisihii xabad joojinta ee Trump uu Axaddii soo jeediyay.
Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ergadeedu ay ka badbaadeen weerarka, inkastoo sida ay xaqiijisay ay ku dhinteen shan xubnood oo hoose.
Weerarka Israel ayaa burbur u gaystay Xarunta Hoggaanka Siyaasadda Xamaas ee Doha, ka dib duqayn is xigxigtay oo lagu bartilmaameedsaday.
Duqayntan ayaa ka carreysiisay Dowladda Qatar, waxaana suurtagal ah in ay dib u dhac ku keento wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo sii deynta maxaabiista.
Doha oo xulafo la ah Mareykanka ayaa muujisay, sida ay uga xun tahay in Mareykanku aanu iskuba howlin in uu ka hortago fara-gelinta militari ee lagu soo sameeyay madaxbannaanideeda.
Mareykanka ayaa dalkaasi ku leh saldhigga ugu weyn ee militari ee uu ku leeyahay Gobolka Bariga Dhexe, iyadoona Qatar ay tahay mid ka mid ah xulafadiisa ugu muhiimsan ee gobolka.
Trump ayaa sheegay in Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Marco Rubio uu ku amray in uu dhameystiro heshiiska iskaashiga difaaca ee Qatar, walow labada dal ay leeyihiin heshiis horey u jiray oo Trump uu wax ka bedelay bishii May, markii uu booqday dalkaasi Qatar.
Trump ayaa ka gaabsaday in uu cambaareeyo weerarka Israel, waxaase uu Qatar u ballanqaaday in weerarkan oo kale uusan mar dambe dhici doonin.