Madaxweyne Trump oo 48 saac u qabtay Iran, si ay u furto Hormuz

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa muddo 48 saac oo kama dambeys ah u qabtay Dowladda Iran, si ay u furto Marinka Hormuz.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Iran uga digay in cadaab oo dhami ay la kulmi doonto, haddii aanay muddadaasi dib ugu furin marin biyoodka Hormuz.
Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu gelinkii dambe ee maanta soo dhigay bartiisa Truth Social ku sheegay in waqtigu uu dhow yahay, isagoona Iran xusuusiyay tobankii maalmood ee uu horey ugu qabtay.
Digniinta Trump ayaa ah dalabkiisii ugu dambeeyay ee uu ku riixayo dib u furista marinka ganacsiga maraakiibta ee ku yaala Bariga Dhexe.
Trump ayaa daba-yaaqadii bishii March sheegay inuu 10 maalmood dib u dhigay waqtiga la bilaabi karo weeraro uu horey u sheegay in lagu beegsan doono xarumaha tamarta Iran, haddii aysan Tehran ogolaan inay dib u furto Hormuz, waqtigaas oo ku eg 6-da bishan April.
Digniinta Trump ayaa waxay ka dhigan tahay inaanay Washington ka tanaasuli karin in la helo Hormuz oo furan, maraakiibtana ay si nabdoon uga gudbayaan.
Iran ayay u badan tahay inaysan aqbali doonin in ay dib u furto Marinka Hormuz, sababtu tahay duqaymaha uga imanaya Mareykanka iyo Israel oo aan joogsan.
Iran ayaa kol hore ka digtay in la duqeeyo xarumaheeda korontada, haddii kalena ay garaaci doonto warshadaha saliidda ee gobolka oo dhan.
Duulaanka Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah dalkaasi Iran ayaa Sabtidan galay toddobaadkiisii lixaad.
Digniinta Trump oo laga dhabeeyo ayaa uga sii dareysa xiisadda aadka u sarreyso ee ka jirta gobolka.


