Madaxweyne Trump oo Iran u diray digniin adag oo la xiriirta Marinka Hormuz

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Dowladda Iran ugu hanjabay inay ka shalaayi doonto, haddii aysan joojin ficiladeeda ay ku xanibeyso isu socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa xalay Iran ugu yeeray inay ka fogaato is hortaagga ay ku sameynayso in ay maraakiibtu si caadi ah u maraan marin biyoodka Hormuz.

Madaxweynaha ayaa ku goodiyay in cawaaqib aan horey loo arag ay Iran la kulmi doonto, haddii ay miinooyinka nooca badda dhigto Hormuz.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Mareykanku aanu hayn caddeymo muujinaya in Iran ay miinooyin dhigtay Hormuz, haddiiba ay arrintaasi jirtana ay doonayaan in si degdeg ahi looga saaro.

Trump ayaa sheegay in haddii aan si dhakhsa ahi loo saarin, haddiiba ay miinooyinkaasi jiraan ay arrintaasi ka dhalan doonto cawaaqibka heer aan la arag.

Hawlgalada militari ee Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran ayaa ka dambeeyay in uu qalqal ku yimaado marinka ugu weyn shixnadaha saliidda ee Bariga Dhexe.

Tehran ayaa toddobaadkii hore digniin ka soo saartay in maraakiibta shidaalka ee Mareykanka, Israel, Yurub iyo xulafada kale ee reer galbeedka aysan mari karin Marinka Hormuz, haddii kalena la garaaci doono.

Hubinti la'aanta ka jirta marin biyoodka Hormuz ayaa xasarad dhaqaale ka abuuray suuqyada caalamka, waxaana sii kordhaya qiimaha lagu kala iibsado shidaalka.