Madaxweyne Trump oo ka gaabsaday inay weerarayaan Iran iyo in kale

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Arbacadan diiday in uu si toos ah u caddeeyo in Militariga Mareykanka ay ku biirayaan dagaalka ka dhanka ah Iran iyo in kale.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay bannaanka hore ee xafiiskiisa, waxna laga weydiiyay in uu ku biirayo dagaalka ay Israel kula jirto Iran ayaa uga jawaabay, si aan toos ahayn.

"Waa laga yaabaa inaan sameeyo, inaanan samayna waa laga yaabaa. Waxaan ula jeedaa qofna ma garanayo waxaan samayn doono." Ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Madaxweynaha ayaan sheegin in uu go'aansaday in uu amro weeraro ay Militariga Mareykanka ku qaadayaan Iran iyo in kale, xilligan oo Israel ay Mareykanka ku soo jiideyso in uu kala qayb qaato dagaalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Iran ay siiyeen fursad ay kaga tanaasuli karto barnaamijkeeda nuclear-ka, laakiin sida uu muujiyay aysan ka faa'iideysan.

Trump ayaa sheegaya in toddobaadka soo socda uu noqon doono mid weyn, mana sheegin waxa dhici doona.

Trump oo ka falcelinayay diidmada Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ee ku saabsan inaysan u hoggaansami doonin baaqiisii ahaa in Iran ay is dhiibto ayaa yiri "Waxaan leeyahay nasiib wacan."

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa Talaadadii ku baaqay in Iran ay si shuruud la'aan ah isku dhiibto, taasoo uu Ayatollah Ali Khamenei ku gacan seyray, waxaana uu Hoggaamiyaha Iran sheegay inay dagaalami doonaan, isla-markaana ay iska difaaci doonaan gardarrada Israel, isagoo dhinaca kalena ka digay fara-gelin kasta oo Militariga Mareykanka ah oo ka dhan ah Iran.

Madaxweyne Trump ayaa sii wada in uu miisaamo ku lug lahaanshaha tooska ah ee Mareykanka ee ololaha militari ee Israel, kaas oo looga dan leeyahay in lagu burburiyo barnaamijka nuclear-ka ee Iran.

Madaxweyne Trump ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii shir xasaasi ah la yeeshay Golaha Amniga Qaranka, inkastoo aan lagu gaarin wax go'aan ah.

Trump oo shirkiisii jaraa'id ee maanta ee Aqalka Cad ku soo hadal qaaday Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Talaadadii ayaa ku tilmaamay in uu ahaa mid wanaagsan, balse ma bixin wax faah faahin ah.

Wararka ayaa sheegaya in Trump ay la taliyeyaashiisa qaar kula taliyeen in aanu ku degdegin in maamulkiisu uu fara-gelin dhameystiran ku sameeyo dagaalkan, isla-markaana uu si dhow u derso cawaaqibka ka dhalanaya.

Trump ayaa la kulmaya cadaadis isku dhafan oo gudaha iyo dibadda ah, iyadoo shacabka Mareykanka ay ka soo horjeedaan in Ciidamada Mareykanka ay ka qayb qaataan dagaalka Israel ay kula jirto Iran.

Siyaasiyiinta qaar ee Mareykanka ayaa waxay diidan yihiin in ciidamadu ay si buuxda uga qayb qaataan dagaalkan, taas oo xoojineysa farriimaha Trump uga imanaya Dowladaha Khaliijka ee xulafada la ah ee kaga digaya in la sii huriyo colaadda Bariga Dhexe, haddiiba aan si dhakhsa ah loo joojin karin. Hoggaamiyeyaasha gobolka ayaa fahamsan in Iran ay garaaci doonto saldhigyada uu Mareykanku ku leeyahay dalalkooda, haddii Washington ay Tel Aviv ka caawiso inay si qoto dheer u beegsato bartilmaameedyada muhiimka ah ee Tehran.

Israel ayaa Aqalka Cad ku cadaadineysa in Militariga Mareykanka ay si dhow uga qayb qaataan dagaalkeeda ay ku burburineyso nuclear-ka iyo gantaalada ballaastikada ee Iran.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa mar sii horreysay sheegay in Israel ay bilowday shaqada, ayna tahay in Mareykanka uu ku gacan siiyo dhameystirkeeda.

Israel ayaa ah xulafada ugu weyn ee Mareykanka uu ku leeyahay Bariga Dhexe, haddana taasi kama hor istaageyso Trump in uu si dhow u qiimeeyo xaaladdan.