Madaxweyne Trump oo Raysal Wasaaraha Israel ugu yeeray Aqalka Cad

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniinta soo socota Aqalka Cad ku qaabili doona Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Wakaaladda Wararka AP ayaa ku warantay in labada hoggaamiye ay toddobaadka soo socda ku kulmi doonaan Xafiiska Oval ee Magaalada Washington.

Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt ayaa Khamiistii sheegtay in Netanyahu uu iman doono dalka Mareykanka, balse xilligaasi ma sheegin waqtiga saxda ah ee uu dalka soo booqanayo.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa laga soo xigtay in Dowladda Mareykanka ay ninkaasi ku cadaadin doonto, sidii loo gaari lahaa heshiis xabad joojin ah oo dhex mara Israel iyo Xamaas.

Madaxweyne Trump ayaa Jimcihii sheegay in uu rumeysan yahay in toddobaadka soo socda gudihiisa heshiis laga gaari doono xabad joojinta Gaza.

Trump ayaa Netanyahu ku booriyay in uu ogolaado heshiiska xabad joojinta Gaza, laakiin uu taasi bedelkeeda sheegay in ay dagaalka sii wadi doonaan.

Ma jirto wax calaamado ah oo muujinaya in toddobaadkan la gaari karo heshiiska xabad joojinta ee aadka loogu baahan yahay, ka dib markii Netanyahu uu amar bixiyay in loo diyaargaroobo wejiga xiga ee dagaalka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa amar ku bixiyay in dadku ay si degdeg ah uga guuraan Magaalada Gaza, oo ah midda ugu weyn ee Marinka Gaza.

Ciidanka Cirka Israel ayaa Isniintii kordhiyay duqaymahooda Gaza, taasi oo meesha ka saareysa in dhowrka cisho ee soo socda la gaari karo heshiiska xabad joojinta Gaza.

Trump oo dadka niyad wanaag u muujinaya iyo in uu cadaadis ku hayo Netanyahu ayaa loo maleynaya midda soo dedejisay in uu ugu yeero Aqalka Cad.

Kulankan ayaa noqonaya kiisii saddexaad ee Trump iyo Netanyahu ay ku yeeshaan Aqalka Cad, tan iyo 7-dii bishii February.

Netanyahu ayaa noqonaya hoggaamiyaha keliya ee saddex jeer la kulma Madaxweyne Trump, tan iyo intii uu xafiiska dib ugu soo laabtay 20-kii bishii January.