Madaxweyne Trump oo sheegay in xaalad xun ay ka jirto Marinka Gaza
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in xaalad xun oo bani'aadantinimo ay ka jirto Marinka Gaza, isagoo dhinaca kalena amar ku bixiyay in la dedejiyo hindisaha heshiiska xabad joojinta Gaza.
Madaxweynaha oo Arbacadii shir jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa Aqalka Cad ee Magaalada Washington ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto xaaladda bani'aadantinimo ee dhulka la go'doomiyay.
Madaxweynaha oo uu garab joogay Ergaygiisa Bariga Dhexe, Steve Witkoff ayaa faray in uu dardargeliyo hindisaha ay muddooyinkanba ka shaqeynayeen ee lagu wado in xabad joojinta lagaga sameeyo Gaza.
Steve Witkoff ayaa shirka jaraa'id ka sheegay inuu gelinka dambe ee Arbacada soo geba-gabeen doono qoraalka cusub ee heshiiska, kaas oo laga yaabo inuu saldhig u noqdo heshiis xabad joojin ah oo Israel iyo Xamaas ay gaaraan.
"Madaxweynaha ayaa eegi doona qoraalka heshiiska, ka hor inta aan dirin." Ayuu yiri Steve Witkoff, Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Witkoff ayaa tilmaamay in ay qabaan rajada ah in marka hore la gaaro heshiis xabad joojin ah, kaas oo sida uu sheegay fure u noqon doona xabad joojin waarta, oo uu uga la jeedo in marba haddii ay xabad joojintu dhaqangasho aanu dagaalku dib u bilaaban doonin.
Madaxweyne Trump ayaa ugu dambayn yiri "Waan arki doonnaa, sida waxaas oo dhan u shaqeeyaan."
Trump ayaa la aaminsan yahay in indhihiisu ay hayaan Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ee ka biyo diidan in si buuxda loo soo afjaro dagaalka Gaza, tiiyoo haddana aan la ogeyn tallaabada uu maamulkiisu ka qaadi karo.
Netanyahu ayaa dhawaan sheegay in xukuumaddiisu ay geli karto heshiis xabad joojin ku-meel-gaar ah, balse aanay ogolaan doonin in si dhameystiran loo soo afjaro dagaalka Gaza.
Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa waxaa Arbacadii soo baxay warar sheegaya in ay diyaarineyso amar lagu soo xiri karo Wasiirada Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich, kuwaas oo Netanyahu ka hortaagan in uu aqbalo heshiis kasta oo horseedaya in la soo afjaro dagaalkan.
Wasiiradan ayaa lagu tilmaamaa labada nin ee ugu xagjirsan ee ka tirsan xukuumadda uu Netanyahu hoggaamiyo, iyagoona axsaabta midigta fog ku metela dowladda isbahaysiga.
Dowladda Netanyahu ayaa ku tiirsan isbahaysiga midigta fog, oo ku hanjabaya in ay ridi doonaan dowladdiisa, haddii ay heshiis la gasho Ururka Xamaas ee Falastiin.
Netanyahu ayaa in muddo ahba gacan bidixeynayay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ay dadka faraha badan ku dhimanayaan iyo in wax laga qabto masiibada bani'adantinimo ee ku baahday Gaza oo dhan.
Maamulka Netanyahu ayaa luminaya taageerada xulafadooda ugu muhiimsan ee reer galbeedka, oo si toos ah uga horyimid in uu sii socdo dagaalkan.