Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoona Madaxweynuhu uu furay shirka ay labada dhinac uga wada hadlayaan arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay.

Shirka Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ka qaybgalay Hoggaamiyaha Mucaaradka, Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyneyaasha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Raysal Wasaareyaashii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Khayre, Cabdi Shirdoon Faarax (Saacid) iyo xubno kale oo dhanka Golaha Mustaqalka ah, halka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay ku wehlinayeen Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka, Saalax Axmed Jaamac, Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad iyo masuuliyiin kale oo Wasiiro u badan.

"Soo dhawayn ka dib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan laba geesood ah oo lagaga hadlayo xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, gurmadka abaaraha iyo la dagaalanka Khawaarijta." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) oo Golaha Mustaqbalka u qaabilsan qaban-qaabada shirka ayaa sheegay in maanta uu shirka ku saabsanaa furitaankiisa, isla-markaana ajandaha keliya ee looga hadlayna uu ahaa arrinta doorashada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shirka wejigiisa koowaad uu soo geba-gaboobay xilligii Salaadda Casirka, isla-markaana ay dhinacyadu isku waafaqeen in maalmaha soo socda halkiisa laga sii wado, iyadoo aan la ogeyn goorta uu qabsoomi doono wejiga xiga ee shirka, balse ay arrintaasi ka wada shaqayn doonaan Guddiyada Farsamada ee labada dhinac.

Shirkan ayaa ahaa mid in muddo ahba la sugayay, si heshiis looga gaaro doorashada la isku khilaafsan yahay, si ay dalka uga qabsoomto doorasho wadar ogol ah.

Wareegyada kale ee wada hadalada ayaa la qiyaasaya in ay adkaan doonaan, marka aad eegto in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay weli ku dhegan tahay in ay dalka gaarsiin doonto doorasho qof iyo cod iyo in la qabyo tiro Dastuurka Qaranka.

Furitaanka shirka ayaa abuuraya rajada in heshiis la gaari karo, inkastoo dadka ku dhow dhow labada dhinac ay muujinayaan in aad loogu baahnaan doono in tanaasul la helo.