Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), masuuliyiin isugu jira Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baydhabo kaga qaybgelaya shirka 5aad ee Golaha Wadatashiga Qaran, oo diiradda lagu saarayo qodobo dhowr ah, oo ugu muhiimsan arrimaha doorashooyinka dalka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi-socodka dowladnimada iyo horumarka dalka." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.