Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay Wakiilka QM ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan sagootin ah la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey ee dalka, Catriona Laing, taas oo soo geba-gabeysay howlaheedii diblomaasiyadeed ee dalka.

Madaxweynaha oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Catriona Laing ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobey ee taageerada dowlad dhiska, nabadda, amniga iyo arimaha bani'aadantinimada.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in haweeneydan ay sheegtay inay ku faraxsan tahay wada shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, intii ay ku guda jirtay gudashada waajibaadkii diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Haweeneydan ayaa ku dhawaad muddo sanad ah ka hawlgaleysay dalka, ka dib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres uu u soo magacaabay inay noqoto Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobey u jooga Somaliya.

Catriona Laing oo xilka loo soo magacaabay 3-dii bishii May ee sanadkii 2023 ayaa xafiiska la wareegtay horaantii bishii xigtay ee June.

Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa bedeshay Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobey u joogay dalka, James Swan oo isna u dhashay dalka Mareykanka.