Mareykanka iyo Israel oo isku khilaafsan in la joojiyo dagaalka Xisbullah

Madaxda Mareykanka iyo Israel ayaa mar kale isku khilaafsan in la joojiyo dagaalka ka dhanka ah Ururka Xisbullah, si looga fogaado in dagaalku uu ku fido gobolka.

Mareykanka iyo Faransiiska ayaa Arbacadii soo bandhigay qorshe muddo 21 cisho ah lagu hakinayo colaadda, intaasina laga wada shaqeeyo, sidii heshiis looga gaari lahaa coladdda xuduudda ee labada dal, si shacabkii labada dhinac ee ku barakacay xiisadda xuduudda ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu markii hore aqbalay soo jeedinta labada quwadood ee reer galbeedka, balse culeys ka qabsaday gudaha ay ku riixday in weerarada la sii wado.

Wargeyska Haaretz ayaa qoray in Raysal Wasaaruhu uu cadaadis ka haysto Wasiirada mayalka adag ee ka tirsan xukuumaddiisa, kuwaa oo ka biyo diidan in la joojiyo hawlgalada xagga cirka ee lagu burburinayo kaabeyaasha militari iyo xarumaha kale ee Ururka Xisbullah.

Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich ayaa Khamiistii sheegay inaanan la joojin karin weerarada ka dhanka ah Xoogaga Xisbullah.

Wasiirka Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir ayaa wacad ku maray in Xisbigiisa Otzma Yehudit uu kalsoonida kala noqon doono xukuumadda la wada leeyahay, haddii la ogolaado buu yiri in xabad joojin laga sameeyo Lubnaan.

Shabakadda Wararka Mareykanka ee Axios ayaa Sarkaal Mareykan ah ka soo xigatay in Netanyahu iyo kooxdiisa ay u muuqdaan kuwo dagaalka sii wadi doona.

Telefishinka Mareykanka laga leeyahay ee NBC News ayaa Saraakiil American ah ka soo xigtay in Tel Aviv aysan baaqooda dhageysaneynin.

Mareykanka iyo Faransiiska ayaa Khamiistii rajeynayay in Israel ay joojin doonto weeraradeeda, balse si ka duwan taasi waxay horey u sii wadday duqaymaha ay ku hayso dalkaasi Lubnaan.

War qoraal ah oo mar dambe ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ayaa lagu beeniyay in xukuumaddu ay aqbashay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka.

Warka ayaa lagu sheegay in Netanyahu uu amar ku bixiyay in ciidamadu ay si qoto dheer u duqeeyaan Xisbullah iyo Xamaas, inta laga gaarayo dhammaan ujeedooyinka dagaalka.

Netanyahu oo lagu wado in uu khudbad ka jeediyo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa la filayaa in uu ku hanjabi doono inaysan ka laaban doonin weerarada Gaza iyo Lubnaan.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa ku warameysa in xulafada ugu muhiimsan ee Israel, sida Mareykanka iyo Ingiriiska ay gebi ahaanba ka soo horjeedaan in dagaalka uu fido, haddii kalena ay khasab noqonayso inay ku soo biiraan, si Israel loo difaaco.

Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa la sheegaya inaysan dooneyn in ay ku lug yeeshaan dagaalka gobolka, sababtu tahay Mareykanka oo looga diyaargaroobayo doorashada madaxtinimada iyo Xisbiga Shaqaalaha ee UK ee dhawaan ku guuleystay doorashadii Ingiriiska oo ballanqaaday inay dib u eegis ku samayn doonaan siyaasaddoodii arrimaha dibadda ee ku wajahneyd Israel, maadaama shacabka dalkaasi ay si weyn uga horyimaadeen dhiigga ay Israel gacmaha kula jirto.

Ururka Xisbullah ayaa taageero ka helaya ururada hubeysan ee gobolka, sida Xuuthiyiinta Yemen, Xoogaga Ciraaq iyo Suuriya, kuwaa oo dhammaantood ku hanjabay inay beegsan doonaan bartilmaameedyada militari ee gudaha Israel, waana xilli Iran ay goor kasta ka aargudan karto Israel, ka dib dilkii ay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh ugu gaysatay Magaalada Tehran.

Ma cadda, sida Mareykanka uu Madaxda Israel uga joojin karo dagaalkan ay ku miigan yihiin iyo in wax laga qabto xaaladda kacsan ee ka jirta Gobolka Bariga Dhexe.