Mareykanka oo 30 milyan oo dollar ku taageeray hay'adda lagu wareejiyay gargaarka Gaza

Mareykanka ayaa sheegay in la ansixiyay 30 milyan oo dillar oo si toos ah loogu maalgelinayo hay'adda muranka badan dhalisay ee ay Israel ugu talagashay in ay gargaarka ka qaybiso Marinka Gaza.

Israel ayaa bishii May Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF) ku wareejisay howlaha gargaar keenista iyo qaybinta ee Gaza, waxaana si adag uga horyimid Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Shiinaha. Hay'addan ayaa daba-yaaqadii bishii May ka shaqo bilowday gudaha Gaza, iyadoona ka sameysay xarumo dadka lagu siinayo gargaarka, oo ay ilaalinayaan Ciidamada Israel. Mareykanka ayaana ah dalka keliya ee taageeray hay'addan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Tommy Pigott ayaa Warbaahinta u sheegay in Washington ay $30 milyan ugu yaboohday hay'addan.

"Waxaan ugu yeeraynaa wadamada kale inay sidoo kale taageeraan Hay'adda GHF iyo shaqadeeda muhiimka ah." Ayuu yiri Tommy Pigott.

Dhacdooyin argagax leh ayaa ka dhacay xarumaha ay maamusho hay'addan oo lagu dilay boqolaal qof oo rayid ah, muddadii bisha ahayd ee ay hay'addu ka hawlgaleysay Marinka Gaza, ka dib markii Ciidamada Israel ee xarumaheeda ilaaliya ay marar badan toogasho ku dileen dad gargaar u soo doontay xarumahaasi.

Qaramada Midoobey ayaa waxay sheegtay in ugu yaraan 410 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay Gaza, iyaga oo cunta u raadsanaya goobahaasi, halka Wasaaradda Caafimaadka Gaza ay tirada dhimashada ku sheegtay 549 qof.

Israel ayaa aasaastay hay'addan, markii cadaadis xoog leh lagu saaray in ay qaaddo xayiraaddii gargaarka Gaza, isla-markaana ay fududeyso helitaanka gurmadka bani'aadantinimo.

Israel oo adeegsaneysa xeeladaheeda ayaa hay'addan u wakiilatay in ay gargaarka keento, isla-markaana ay u qaybiso dadka Gaza, iyada oo markaasi Hay'adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ka wareejineyso shaqadii bani'aadantinimada ee ay sanadaha badan ka wadeen dhulka go'doonsan.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in tani aysan wax faa'iido ah u lahayn dadka reer Gaza, maadaama aan gargaarka laga heli karin qaybaha Gaza oo dhan, dadkuna ay weli sidoodii u gaajeysan yihiin.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, haweeneyda lagu magacaabo Kaja Kallas ayaa sheegtay in Midowga Yurub uusan taageersaneyn qaabka ay Israel gargaarka uga qaybineyso Gaza.

Kaja Kallas ayaa Israel ku dhalleeceysay in ay hortaagan tahay in kaalmada bani’aadantinimo la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee sida weyn ugu baahan gargaarka naf badbaadinta, iyadoona carabka ku adkeysay inaanan gargaarka loo adeegsan karin sida hub oo kale.

Xilli kolonyada gargaarka ee u raran Qaramada Midoobey ay ku xaniban yihiin xuduudaha Gaza, haddana Israel ayaa hortaagan in gargaar macno leh la gaarsiiyo shacabka gaajada la ildaran.

Israel ayaa waxaa cad inay diidan tahay in Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada ay haatan ka hawlgalaan gudaha Gaza, gargaarkana lagu qaybiyo Xarumaha Qaramada Midoobey ee ka badbaaday duqaymaheeda.

Gargaarka ayaa noqday hub ay Israel ku dili karto dadka faraha badan ee gaajeysan ee isugu soo baxa goobaha ay u asteysay in gargaarka loo soo doonto.

Israel ayaa isu imaatinada dadka soo buuxinaya goobahaasi u aragto fursad ay ku dili karto Falastiiniyiinta reer Gaza ee halista ugu jira in ay gaajada ugu dhintaan Marinka Gaza.

Israel ayaan wax dheg jalaq ah u siineyn walaaca caalamiga ah ee laga muujinayo masiibada bani'aadantinimo ee ka jirta Gaza iyo weerarada is daba jooga ah ee lagu dilayo dadka gargaarka raadinaya ee lagu bartilmaameedsanayo xarumaha ay ciidamadeeedu ilaalada u joogaan.