Mareykanka oo duqayn culus ka fuliyay dalka Yemen

Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa duqaymo dhowr ah ka fuliyay deegaano ku yaala dalka Yemen, oo ay maamulaan Ururka Xuuthiyiinta.

Militariga Mareykanka ayaa beegsaday shan goobood oo lagu kaydiyo hubka oo dhulka hoostiisa ah, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin.

Wasiirka ayaa sheegay in si sax ah loo garaacay hub uu sheegay in Xuuthiyiintu ay u adeegsadaan weerarada maraakiibta ganacsiga caalamiga ah iyo kuwa militariga ee gobolka.

"Duqaymaha ayaa lala beegsaday xarumaha dhulka hoostiisa ah ee loo isticmaalo in lagu kaydiyo hubka noocyadiisa kala duwan ee ay Xuuthiyiintu u adeegsadaan beegsiga maraakiibta rayidka iyo kuwa militariga ee gobolka." Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Austin ayaa sheegay in Xuuthiyiinta ay si qoto dheer hubka ugu qariyeen dhulka hoostiisa, balse aysan awoodda Mareykanka ka hor istaagin in la beegsado.

"Tani waxay ahayd ilqabad gaar ah oo muujineysa awoodda Mareykanku u leeyahay in uu bartilmaameedsado tashiilaadka ay cadowgeennu doonayaan in ay ka fogeeyaan meelaha la gaari karo." Ayuu yiri Austin.

Austin ayaa tilmaamay in Ciidanka Cirka Mareykanka ay awood u leeyihiin fulinta weerarada caalamiga ah, si Mareykanka uu tallaabo uga qaado bartilmaameedyada dibadda, marka loo baahdo, goor walba iyo goob kasta.

Pentagon-ka Mareykanka ayaan faah faahin meelaha ay ku yaallaan goobaha la beegsaday, balse telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa sheegay in weeraro xagga cirka ah ay xalay ka dhaceen duleedka Caasimadda Sanca iyo nawaaxiga Magaalada Sacda.

Xuuthiyiinta Yemen ayaan weli wax war ah ka soo saarin khasaaraha ka dhashay duqaymahaasi.

Mareykanka ayaa tan iyo bishii January waday duqaymo ka dhan ah Ururka Xuuthiyiinta, si loo joojiyo weerarada ay ku hayaan maraakiibta ku sii jeeda Dekedaha Israel iyo kuwa kale ee laga leeyahay Mareykanka iyo Ingiriiska.

Maraakiibta Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ayaa noqday bartilmaameed, ka dib markii ciidamada labada dal ay 12-kii bsihii January bilaabeen inay xagga cirka ka garaacaan dhulka ay Xuuthiyiintu maamulaan.

Xuuthiyiinta ayaa wacad ku maray inaysan joojin doonin go'doominta ay ku hayaan Dekedaha Israel, inta uu socdo dagaalka Gaza.