Mareykanka oo isku diyaarinaya ka hortaga weerarada Xuuthiyiinta ee Israel

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ee ku sugan Bariga Dhexe ayaa isku diyaarinaya in ay ka qayb qaataan dadaalada ay Israel ku dooneyso in ay kaga hortagto weerarada Xuuthiyiinta.

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa ku hanjabay inay carqaladeyn doonaan amniga Israel, iyagoo ka aargudanaya duqaymihii Israel ka gaysatay Magaalada Hudaydah.

Wararka ayaa sheegaya in heegan buuxa la geliyay Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ee ku sugan gobolka, si looga hortago weerarada gantaalaha iyo diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn ee Xoogaga Xuuthiyiinta.

Mareykanka ayay ciidamadu ka joogaan inta badan dalalka Bariga Dhexe, halka Ingiriiskuna uu saldhig weyn oo militari ku leeyahay Jaziiradda Qubrus (Cyprus).

Inkastoo Washington iyo London aysan hadda si cad u sheegin in ay ka hortaggayaan weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah Israel, haddana siyaasadooda gobolka ayaa ah in wax kasta laga hormariyo amniga Israel, iyadoo Warbaahinta caalamiga ahna ay tebineyso in walaac dhanka amniga ah uu soo food saaray Israel.

Warbaahinta ayaa warineysa in Israel iyo xulafadeeda reer galbeedka ay arkaan in dhibaato weyn ka soo fool leedahay dhinaca Xuuthiyiinta Yemen.

Wargeyska The New York Times ayaa qoraya in duqayntii is xigxigtay ee Israel ka gaysatay Dekedda Hudaydah aysan wax yar xitaa ka qaban doonin in Israel ka hortagto amaba ay joojiso weerarada Xuuthiyiinta.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegeysa in dhibaneyaasha duqaymaha Israel ee Hudaydah ay yihiin dadka rayidka ah ee aysan ahayn Xuuthiyiinta.

Xuuthiyiinta ayaa iyagu ku foogan, sidii ay bartilmaameedyo uga fulin lahaayeen gudaha Israel, iyagoo adeegsanaya wixii hub ah ee ay haystaan.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa carro xoog leh ka muujiyay weerarka xoogan ee ay Israel Sabtidii ku qaadday Hudaydah, oo ay ku dhinteen illaa lix qof, in ka badan 80 kalena ay ku dhaawacmeen.

Israel waxay sheegtay in weerarkeedan ugu horreyay ee Hudaydah uu jawaab u yahay weerarkii drone-ka loo adeegsaday ee ay Xuuthiyiinta Jimcihii ka gaysteen Magaalada Tel Aviv.

Mohammed Al Bukhaiti oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in ay si dhow ula shaqeynayaan ururada hubeysan ee gobolka, si iskaashi ay uga yeeshaan hawlgaladooda militari ee Israel.

Sarkaalkan ayaa sheegay in weeraradooda ka dhanka ah Israel ay ku garab taagan yihiin shacabka Falastiiniyiinta, inta dhibaatada lagu hayana ay sii wadi doonaan.

"Taageeradayada walaalaheenna Falastiin waa waajib bani'aadantinimo, akhlaaqeed iyo mid diimeed. Weerarada nooga imanaya Israel weligood ma saameyn doonaan mowqifkayaga taageerada walaalaheenna Falastiin. Tani waxay kordhin doontaa go'aanka ah in si adag looga shaqeeyo joojinta xasuuqa Gaza." Ayuu yiri Al Bukhaiti oo Al Jazeera la hadlay.

Al Bukhaiti ayaa yiri "Waxaan fahamsanahay in ay jiri karaan khasaarooyin, laakiin mowqifkayagu waa mid caddaalad ah oo anshax leh oo marnaba ma joojin doono, illaa Sahyuuniyadda ay joojiyaan dembiyada Gaza."

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa horey ugu guuldareystay in ay joojiyaan weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee ku goosheysa marin biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee ku wajahan Israel.

Mareykanka ayaa bishii December aasaasay isbahaysi la dagaalama weerarada Xuuthiyiinta ku beegsanayaan maraakiibta ku socota Dekedaha Israel, tallaabadaas oo Xuuthiyiinta ay uga gol lahaayeen inay ku joojiyaan weerarada Israel ee ka dhanka ah dadka reer Gaza.

Mareykanka iyo Ingiriiska oo bishii January bilaabay in ay garaacaan goobaha Xuuthiyiinta kaga sugan yihiin dalka Yemen ayaa keentay in Xuuthiyiintu ay ku dhawaaqaan bartilmaameedyo sharci ah oo lagu burburinayo maraakiibta laga leeyahay labadaasi dal, ka dib is garabtaagooda Israel iyo inaanan la go'doomin dekedaheeda.

Colaadda Israel iyo Xuuthiyiinta ayaa qalqal amni ka abuurtay gobolka, iyadoo ayna dadka qaarkii ka baqdin qabaan in xaaladdu ay faraha ka baxdo.