Mareykanka oo Israel kala hadlay xaaladda adag ee ka jirta Marinka Gaza

Mareykanka ayaa mar kale Israel ugu baaqay inay wax ka qabato xaaladda murugsan ee muddooyinkanba ka jirtay Marinka Gaza.

Samantha Power, Madaxa Hay’adda Mareykanka U Qaabilsan Horumarinta Caalamiga ee USAID ayaa Safiirka Israel ee Mareykanka, Michael Herzog kala hadashay waqtiga kama dambeysta ah ee Washington u qabatay Israel, si ay sare ugu qaaddo gargaarka bani'aadantinimo ee la gaynayo dhulka go'doonsan.

Afhayeen u hadlay Hay'adda USAID oo lagu magacaabo Benjamin Suarato ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen baahida loo qaado, sidii kor loogu qaadi lahaa gargaarka la gaarsiinayo dadka rayidka ah.

"Waxay ka wada hadleen baahida loo qabo in gargaar dheeraad ah la siiyo dadka Falastiiniyiinta." Ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Hay'adda USAID.

"Hay'adda ayaa walaac xoogan ka muujisay xaaladda bani'aadantinimo ee waqooyiga Gaza." Ayuu yiri Benjamin Suarato oo intaasi ku daray "Waxaa loo baahan dardargelinta dadaalada lagu fududeynayo qulqulka iyo gaarsiinta gargaarka bani'aadantinimo ee nafaha lagu badbaadinayo ee Gaza."

Mareykanka ayaa warqad uu 13-kii bishii October u diray Israel ugu sheegay in ay muddo 30 cisho ah kor ugu qaaddo gelitaanka gargaarka ee Gaza ama ay halis ugu jirto in Washington ay ka joojiso qayb ka mid ah kaalmadii militari ee ay siineysay.

Ciidamada Israel ayaa horaantii bishii hore ee October go'doomin guud geliyay waqooyiga Israel, iyagoona ka go'doomiyay qaybaha kale ee Gaza.

Ciidamada Israel ayaa uga sii daray xaaladdii aadka u liidatay ee bani'aadantinimo ee markii horeba ka jirtay qaybaha waqooyi, ka dib markii ay is hortaag ku sameeyeen in halkaasi la geeyo kaalmada bani'aadantinimo ee sida weyn loogu baahan yahay.

15 ka mid ah hay'adaha caalamiga ah ayaa Jimcihii ka digay in dadka ku nool waqooyiga Marinka Gaza ay halis ugu jiraan inay u dhintaan cuduro, macluul iyo weerarada ay wadaan Ciidamada Israel.

Ololaha militari ee Israel ka waddo dhulkaasi ayaa halis ku ah nolosha dadka ku go'doonsan deegaanada Jabalia, Beit Lahiya iyo Beit Hanoun, sida ay sheegeen hay'adaha ka shaqeeya arrimaha bani'aadantinimada.

Ciidamada Israel ayaa dadka rayidka ah isugu daray dil, gaajeysiin, dawo la'aan iyo qabqabasho, iyadoo dhallinyarada la xirxirayo la gaynayo goobo aan la garaneyn, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saareen 15 hay'adood.

Hawlgalka indhaha soo jiitay ee ka soconaya deegaanada waqooyi ee Marinka Gaza ayaa lagu sheegay mid Israel ay Falastiiniyiinta kaga sifeynayso dhulkooda.

Shacabka Falastiiniyiinta ayaa aaminsan in Militariga Israel ay fulinayaan, waxa lagu sheegay qorshaha guud ee Falastiiniyiinta looga rarayo guryahooda iyo goobaha ay gabaadsanayaan.

Saraakiisha Xamaas ayaa Israel ku eedeeyay in ay si khasab ah ku barakacineyso dadka halkaasi ku nool, isla-markaana ay damacsan tahay inay dhulkaasi xoog ku qaadato.

Osama Hamdan oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa sheegay inaysan taasi u suurtageli doonin Israel, inta ay dagaalamayaan kooxaha iska caabinta.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa sheegay inay arkaan oo keliya in si khasab ah lagu barakacinayo shacabka Falastiiniyiinta, balse aysan u jeedin wax damaanad qaad ah oo dadkaasi ay guryahooda dib ugu soo laabanayaan.

Waxa ka socda Gaza ayaa ah ciqaab wadareed ka dhan ah shacabka darxumeysan, si Israel ay ugu gaarto guusha ay u baahan tahay, ee ah in Xamaas laga suuliyo Marinka Gaza.

In laga adkaado koox dagaalameysa ayaan loo xasuuqi karin shacab dhan, sida ku xusan shuruucda caalamiga ah ee bani'aaadntinimada iyo kan dagaalka.

Haddii si kale loo dhigana, weerar kasta oo lagu qaado bartilmaameed militari ayaa noqonayo sharci darro, haddii waxyeelada rayidka ay ka ballaaran tahay faa'iidada militari ee la filan karo, waana sababta uu sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada uu u difaacayo mabaadii’da bani’aadantinimada iyo qiyamka aasaasiga ah ee aadanaha.